Ciidamada Qaranka Oo Ku Ruqaansaday Deegaano Ka Tirsan Buuhoodle Iyo Loolan Adag Oo Buuhoodle Ku Dhex Maraya Wasiir Xaglo-toosiye Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Puntland

Waxaana ciidamadan  qaranka Somaliland sida naloo sheegay ay gaadheen deegaano dhawr ah oo ka tirsan Buuhoodle isla markaana qaarkood uu shalay socdaal ku tagey madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiim Camey oo ku sugan Buuhoodle kuwaas oo ay kamid yihiin sida naloo sheegay deegaanada Hagoogane, Maygaagle, Banyaal, Goljano, Xadhadhan iyo Widh-widh oo iyadu ka tirsan gobolka Sool,waxaana ay ciidamada qaranka Somaliland oo ku sugan deegaanadaasi ay ilaalinayaan amaanka deegaanada iyaga oo sidoo kalena ay waftigan uu hogaaminaye ku xigenka Puntland-na ay la socdaan ciidamo ka tirsan maamulkaasi.

Sidoo kalena magaalada Buuhoodle oo wakhti xaadirkan ay ka jirto xaalad adag oo isla markaana ay boqolaal qof waadhadhka goobaha caafimaad ee Buuhoodle ay u jiifaan xanuunka Shuban Biyoodka oo soo ritey dadkaasi ayaa waxa hadana loolan adag oo siyaasadeed oo ku dhex marayaa Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye” iyo madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland Mr Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji CUmar “camey” kuwaas oo dhaq-dhaqaaqooda siyaasadeed laga dareemayo.

Dhaq-dhaqaaqan siyaasadeed ee ka socda Buuhoodle una dhaxeeya dawlada Somaliland iyo maamulka Puntland Ayaan lagaranayn halka uu sal dhigan doono,iyaga oo maamulka Puntland-na mudooyinkii u danbeeyey ay faragalin ku hayeen deegaanada Somaliland ee gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn,waxaana laga cabsi qabaa in dagaal Buuhoodle ku dhex maro ciidamada Qaranka Somaliland ee iyagu difaacanaya xuduudaha Dhulkooda iyo ciidamada la socda madaxwayne ku xigeenka Maamul goboleedka Puntland ee ku sugan Buuhoodle.