Daawo-Hogaamiye Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Sugan Gudaha Caasimada Hargeisa, Socdaalka uu Ku Yimid iyo Waxa uu Daaran Yahay.

Hargeisa(GNN):-Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo cali khaliif galaydha ayaa maanta soo gaadhay caasimada Somaliland ee hargaysa.

Hogaamiyaha ayaa ujeedka uu u yimid hargaysa ku sheegay mid u gaar ah,waxaana uu dagay huteelka maansoor ee magaalada hargaysa.

Warbaahinta oo isku dayday in ay hogaamiyaha maamulka khaatumo wax ka waydiiso sababta keentay inuu yimaado magaalada hargaysa ayaa uu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo safarkiisa wakhtigan,waxaana uu si cad u sheegay inaanu diyaar u ahayn inuu warbaahinta la hadlo.

Lama cadayn karo inuu magaalada hargaysa sii dhaafi doono iyo inuu joogi doono madaama oo aanu cadayn safarkiisa xukuumadda Somaliland wax faah-faahina kama bixin.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

Inta La Ogyahay prof Cali khaliif galaydh iyo maamulka uu hogaaminayo ayaa wada hadal Muddo Socoday Waxaa Uu U Socodaa Dawlada Somaliland Iyadoo Arimahaasina Ay Sababta u Yihiin Kuwa Wakhtigan u Sahlay Inuu Si nabad Galyo Ah Kusoo Gaadho Gudaha Caasimada Hargeisa, Waxaana Talaabadani gogol Xaadh fiican U Noqon doontaa Wada Noolaanshaha iyo Wax wada qaybsiga Bulshada Walaalaha Ah.