Deg Deg :- Qarax Xoogan Oo Iminka Ka Dhacay Magaalada Moqdisho + Khasaaraha Ka Dhashey .

Muqdisho(GNN):-Wararka iminka ka imanaya magaalada Moqdisho waxaa ay sheegayaan in qarax aad weyn uu goor dhaweyd ka dhacay magaaladaasi .

Qaraxan oo aad u xooganaa ayaa daryankiisa si weyn looga maqlay inta badan magaalada Moqdisho

 Shabakada Gabiley.net oo qaraxaasi warar hor dhac ah ka helaysa waxaa ay sheegayan in qaraxan loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buxiyey uu ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Italian Caffe oo ku taalla wadada Maka Al Mukarama kuna dhow gurigii hore ee shaqaalaha oo hadda xarun KMG ah u ah heyada socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya.

Maqaayada oo aheyd goob shaaha laga cabo ayaa waxaa galabtii isugu iman jiray dad fara badan waxaana la soo sheegayaa inuu goobta ka dhacay burbur iyo khasaare badan, waxaana goob joogayaal ay sheegayaan in gaadiid gubanaya halkaas lagu arkayo.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay inuu geystay qaraxan inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin, gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Ambalaasta ayaana goobta gaadhay.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa xiray goobta qaraxani ka dhacay, iyagoo rasaas goos goos ah hawada u ridaya si ay ugu kala ceydhiyaan dadweyne badan oo halkaas ku yaacay si ay indhahooda ugu soo arkaan khasaaraha goobta ka dhacay

Fiiro Gaar Ah :- Waxii War Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Warar Kayaga Danbe