Faah faahin : Dilka wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska dowladda federaalka Soomaaliya

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dilka caawa fiidkii magaalada Muqdisho loogu geystay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji.

Ilaalada wasiirka ayaa lagu waramayaa in is rasaaseyn ay dhaxmartay ciidamo ilaalo u ahaa mas’uul ka tirsan dowladda oo aan ilaa iyo hadda la xaqiijin qofka u ahaa kadib markii ay kala shakiyeen waxaana is rasaaseynta labada dhinac ku geeriyooday wasiirka.

Hasse ahaatee warar kale oo ku saabsan dilka wasiirka ayaa sheegaya in dabley hubeysan rasaas ku fureen gaariga uu la socda wasiir Cabaas gacanta lagu dhigay.

Lama sheegin khasaare intaa dhaafsiisan hasse ahaatee wasiirka oo la socday gaari Prado ah ayaa la sheegay in ay haleeshay u muuqatay mid leys weydaarsanayo, sida goob joogayaal sheegeen.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in wasiirka ay rasaas ku fureen ciidamo, baaritaan uu socday.

Ma’aha wax cusub is rasaaseynta inta badan dhaxmarta ciidamada dowladda hasse ahaatee waa markii ugu horeysay oo kala shakiga ciidamada uu ku geeriyoodo mas’uul ka tirsan gollaha xukuumada.

Alle u naxariisteen Cabaas Siraaji oo ahaa nin dhalinyaro ayaa dhinaca kale ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay magaalada Kismaayo.