Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xukun Kasoo Saartay Dacwada Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Xisbiga WADDANI.

Labadan Sarkaal oo kala ahaa gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Xoghayihii Ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis ayaa maxkamaddu go’aan kasoo saartay xadhigooda.Maxkamadda ayaa amartay in dib xoriyaddiisa loogu soo celiyo gudoomiyihii garabka Dhalinyarada WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme oo ay sheegtay in lagu waayey wax danbi ah,waxaana sidoo kale ay Hal sano oo xadhig ah ku xukuntay xoghayihii Ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis oo ay sheegtay in lagu helay fal danbiyeed ah Kicin dadwayne.

Maxkamadda ayaa waxa markii ay soo saartay go’aanada markiiba ay xeer ilaalintu Racfaan ka qaadatay xukunka Maxamed Sidiiq Dhamme oo ay maxkamaddu amartay in lasii daayo,waxaana labadii sarkaalba dib loogu celiyey xabsigii ay ku jireen.