Prof Samatar Oo Ka Hadlay Qaabka Ay Somaliland U Heli Karto Aqoonsi Buuxa Xukuumaddana Ku Canaantay Inaanay Hayn Jidkii Lagu Raadin Lahaa Aqoonsiga

Prof. Axmed Ismaacil Samatar ayaa daboolka ka qaaday inay Somaliland haatan u baahantahay inay dajiso qadiyada ay doonayso inay dunida ka iibiso si ay aqoonsi u hesho.

Waxa uu Axmed Ismaacil sheegay in loo baahan yahay in qoraal lagu dajiyo qadiyada Somaliland,gudi ay u saarto dawlada cusub ee la dooran doono dhammaadka sannadkan, waxaanu sidan ka sheegay warasyi uu siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC, waxaanu hadaladiisa ku bilaabay sidan”Meel wanaagsan ma marayso oo mabay dhaqaaqin ayaan filayaa, waayo dedaalkeedii xageena iyo xagooda labadaba in aanay wali isla jaanqaadin, markaas inta aan ogahay qaramada midoobay iyo Somaliland arinta aqoonsiga meel imika farta lagu fiiqi karo oo ay marayso garanmaayo. Anigu intaan ogahay aduunyada ka aqaano laguuma keeno aqoonsi ee waa la doontaa oo wadamadaas aduunyada ee la aqoonsaday ama is aqoonsaday waa dad kasbaday, markaas Somaliland dedaal badan way keentay oo nabadgalyadu ay ka mid tahay, dawlad dhisan shan iyo labaatankaas sanadood ee u danbeeyay, laakiin waxa wali dhiman da’daalkii ahaa in inta waxaas oo dhan laysku duuduubo in laga dhigo war aduunyarada deeqa.”

Axmed Ismaacil oo la waydiiyay in qaramada midoobay aqoonsan karto Somaliland waxa uu yidhi”Jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa aduunyada intay eegato ma tidhaahdo wadankaas ayaanu aqoonsanaynaa Jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa waa urur ay abuureen dalalka aduunyadu iyadu kali uma taagna ee dalalka abuuray ayay jamciyada quruumaha ka dhaxaysaa ay ku tiirsantahay, aniga siday ila tahay ma aha` in jamciyada quruumaha ka dhaxaysa laga raadsado ee waxa weeye in wadamada aduunka ugu quwad weyn ee kartideeda leh ee inta kale riixi kara in da’daalkeedii la keeno sidii kuwaas loo gudo gali lahaa. dadka reer Somaliland aad ayay ugu ooman yimiin xaqna way u leeyihiin aduunyadu inay garato kursiga ay Somaliland ku leedahay waataas aynu isla fahanay ee aan kuu sheegay in da’daal cusub la keeno mudo sadex sanadood iyo badh laga joogana arintaas waan ku dhawaaqay oo dalka gudihiisa iyo meelo badanba waan ka sheegay, waxay iila muuqataa waxii da’daal ah ee la sii wadi karaayo in la sii wado laakiin doorashooyinka soo socda ee bisha Nov 15 keeda dhacaaya dawlada halkaas ka soo bixi doonta saddexda xisbi kii guulaysta inay la yimaadaan fikrad cusub iyo da’daal cusub oo arintaasi ku dhaqaaqdo.”

Axmed Ismaacil Samatar oo wax laga waydiiyay in aqoonsiga Somaliland laga doono dhanka wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxa uu yidhi”Waa ay suurto gali kartaa oo waa wado la mari karo laakiin wadada loo marayaa waa inay shan qodob ka koobnaataa, qodobka ugu horeeya waxa weeye intaanad dunida uba dhawaaqin inaad isku duba rido qadiyadu waxay tahay iyada oo la calaashankaro oo la liqi karo aduunyada laga dhaadhicin karo oo si cilmiyaysan loo qoro,laysku hagaajiyo oo laysku duba rido, dadkii qaadayay ee lahaa kartideeda iyagana in la soo saaro oo aan ahayn dad layska magacaabo ee dad aqoontooda iyo taariikhdoodu ay keeni karto arinta noocaas ah, ta sedexaadna in la garto oo aad iyo aad loo qiyaaso lana calaamadiyo halka la gaynaayo wadamada aduunyadu waa ay badan yihiine Afrika oo qudha ayaa dhawr iyo kontan dal ah.”

 

Source:Geeska