Xukuumada Somaliland Oo Ka Jawaabtay Walaaca Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Ka Muujiyey Geedi Socodka Doorashooyinka Somaliland

Hargeisa(GNN):-:-Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay walaacii uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ka muujiyay geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

Haddaba, idaacadda BBC-da qaybta Focus on Africa, ayaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire weydiisay, bal waxa uu kaga jawaabayo walaaca xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaanu Wasiir sacad sheegay in dib u dhaca doorashooyinkaas ay sababeen abaaro adag oo dalka ka dhacay, “Annaguba kuma faraxsanin dib u dhacyadaas.” ayuu yidhi Wasiir Sacad oo intaas raaciyay inay dib u dhaca keeneen abaaro aadag oon hore uga dhicin Somaliland oo sanadkan la arkay, “Marnaba suurtogal may noqoteen in doorashooyin la qabto bishii March ee sannadkan, abaaraha jiray dartood, waxaanuse doorashada qabanaynaa bisha November ee sannadkan.” ayuu yidhi Wasiirku.Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa warbixintiisii u dambaysay ee uu u gudbiyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay wuxuu walaac kaga muujiyay dib u dhaca doorashooyinka Somaliland, “Waxaan aad uga walaacsanahay dib-u-dhaca soo noqnoqday ee ku yimid doorashada madaxweynaha iyo baarlamanka Somaliland. Arrintaas oo si tartiib-tartiib ah u burburinaysa ballantii iyo aaminaddii marka hore soo xoogaysanaysay ee lagu qabay geeddi-socodkeeda dimuqraadiyadda Somaliland. Waxa aan maamulka Somaliland ugu baaqayaa, in ay dib u eegis ku sameeyaan wareegga doorashada oo ay u dejiyaan jadwal ku yimid wada

tashi loo dhan yahay.” sidaas ayuu yidhi xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay.

Mar la weydiiyay bal inuu damaanad qaadi karo inay doorashooyinku dhacayaan bisha November, wuxuu sheegay inay hubaal tahay inay doorashooyinku dhacayaan bisha November ee sannadkan.

 

Source:-Wargeyska Geeska Afrika