Deg Deg :- Dawlada Mareykanka Liiska Argagixisada Ka Saartay Sheekh Mukhtaar Roobow + Sababta

Muqdisho(GNN):- Dowladda Mareykanka ayaa liiska Argagixisada ka saartay Sheekh Mukhtaar

Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Image may contain: 1 person, beard, hat and text

Abuu Mansoor ayaa ahaa Hoggaamiye kuxigeenki Al-Shabaab, sidoo kale waxaa uu mar soo noqday Afhayeenka Al-Shabaab.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa warbaahinta VOA u xaqiijisay in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga.

 

Abuu Mansoor ayaa sanadihii u dambeeyay la hadal hayay inuu wada hadalo hoose kula jiro dowladda Soomaaliya, isla markaana ay xurguf soo kala dhex gashay Hoggaanka Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan liiska Argagixisada ee laga saaray Abuu Mansuur.

Fiiro Gaar Ah :-Waxaa Warkan Bartiisa Twitter-ka Soo Dhigay Wariye Haruun Macruuf Oo Ka Tirsan Shaqaalaha Idaacada VOA

Image may contain: 2 people, beard and hat