Dowladda Jabouti oo Guluf Colaadeed ka soo gaadhey Khilaafka Xulafada Sacuudiga iyo Dalka Qadar

Sida aad la socoteen Muddo laba Week ah ba waxa Waddamada Khaliijka ka oognaa Xasarad u dhaxeysa Waddamada Imaaraatka, Bahrain, Sacuudi Arabia

Sida aad la socoteen Muddo laba Week ah ba waxa Waddamada Khaliijka ka oognaa Xasarad u dhaxeysa Waddamada Imaaraatka, Bahrain, Sacuudi Arabia iyo Masar oo dhinac ah iyo Waddanka QATAR oo dhinac ah iyada oo Waddamada Kuwait iyo Oman ay dhexdhexaadd ka noqdeen taas oo lagu macneeyey in aaney Raalli ka aheyn Cunaqabateynta la saarey Waddanka QATAR.

Haddaba waxa jirtey in Waddanka Qadar uu Ciidan nabad ilaalin ah oo ka kooban 450 Askari u direy Dhulka lagu muransan yahey ee u dhexeeya Waddamada Eritiria iyo Jibouti.Waddanka Jabouti waxa uu ku dhawaaqey in uu Xidhiidhiidhkii u jarey Waddanka QATAR lana dhinacyahey Imaaraatka, Sucuudiga iyo Bahrain halka Waddanka Eritiria uu sugey Muddo kooban ciyaareyna Tactick Siyaasadeed markii uu isku hubsadey Dhulkii lagu muranasanaana uu raacey Xulafada.isla Waqti kooban Waxa QATAR ku dhawaaqdey in ay Ciidamadeedii Nabad ilaalinta la baxdey iyada oo ila Xog-ogaal ahi sheegayaan in ay u Gacan haadisey Waddanka Aritiria si ay ugaga Aar-gudato Waddanka Jabouti talaabada uu qaadey,
Ciiddanka Aritiria na isku Ballaadhiyo Fadhiisimadii uu Banneeyey Ciidanka QATAR,Mar labaadna Dowladda Aritiria ay Gacanta u gasho Dhulkii lagu muransanaa.
Waxa Wararku intaa ku darayaan in Dawladda Jabouti ay ka heshay Waddanka Masar Dammaanad in uu buuxin doono Kaalintii ay banneeyeen Ciidanka QATAR Arrintaasi oo aad uga cadheysiisey Dowladda Ethiopia oo ay ka dhaxeyso iyaga iyo Masar Xafiiltan dhinaca Webiga Nile ka ah.Waxaaney Ethiopia Wacad ku Martey haddii Ciidanka Masar la soo dejiyo dhulka lagu muransanyahey in ay Tallaabo ka qaadi doonto.
Dowladda Jabouti waxa ay sheegtey in Ciidanka Aritiria ee ku soo ruqaansadey dhulka lagu muran sanyahey ay Ashkadadeeeda gaadhsiiyey Waddamada Africa iyo UN.
Guntii iyo Gebo-gebodiina waxa ay noqdey in Waddanka Jabouti Khasaarey dhulkii lagu muransanaa oo ay adag tahey in ay mar danbe ku soo laabato Gacanta Jabouti
Qore:Ibrahim Deria
London:UK