Guddoomiyaha KULMIYE oo noqday Murrashixii ugu Horreeyay ee Bulshada Gobolka Togdheer kala qaybqaatay Gurmadka Shuban Biyoodka

Burco(GNN):-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan wasiirro ka tirsan xukuumadda, ayaa socdaal qayb ka ah gurmadka xannuunka Shuban-biyood ku tagay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Weftiga oo gaadhay magaalada Burco galinkii dambe ee maanta, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii gurmad Qaran oo loo dhanyahay looga gaysan lahaa cudurka Shuban-biyoodka oo dhawaan ka dilaacay magaalada Burco.

Xubnaha Wasiirada ah qaybta ka ah weftiga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi

Cabdi, Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaaradda WaxbarashadaMd. Cabdillaahi Ibraahim Habbane.

Sidoo kale, weftiga waxa ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo siyaasiga Axmed Muumin Seed.

Weftigan ayaa noqonaya kii ugu miisaanka cuslaa, isla markaana uu hoggaaminayo murrashax Madaxweyne ee gurmad ahaan ugu baxa Gobolka togdheer oo ay waqtigan ka jirto xaalad werwer oo ku saabsan cudurka Shuban-biyoodka.