TAARIIKH: Real Madrid Oo Markii Labaad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulaysatay Champions Leaque-ga, Ronaldo Oo Laba Gool Juventus Dhulka Ku Jiiday Iyo Zidane Oo Taariikh Abuuray.

Real Madrid ayaa taariikh cusub u dhigtay kooxaha Yurub kadib markii ay 4:1 ku xasuuqday kooxda Juventus waxaana Real Madrid noqotay kooxdii ugu horaysay ee koobka UEFA Champions Leaque-ga difaacatay iyada oo kulankan uu laba gool ka dhaliyay Cristiano Ronaldo oo isna dhiniciisa taariikh cusub dhigay.

Carslos Caseiro ayaa goolka qurux badan dhaliyay laakiin sidoo kale Marco Asensio ayaa siiwatay rekoodhkiisa gool dhalinta layaabka leh ee uu tartamada oo dhan xili ciyaareedkan uu ka soo sameeyay isaga oo shabaqa ka soo wada taabtay UEFA Super Cup, Copa Del Rey, La Ligaha iyo Champions Leaque-ga.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Juventus XI (4-2-3-1): Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini, Alex Sandro; Pjanic, Khedira; Dani Alves, Dybala, Mandzukic; Higuain.

Kaydka:Neto, Benatia, Lichtsteiner, Asamoah, Lemina, Marchisio, Cuadrado.

Real Madrid XI (4-3-1-2): Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modric; Isco; Benzema, Ronaldo.

Kaydka: Casilla, Danilo, Nacho, Kovacic, Asensio, Bale, Morata.

Bilawgii ciyaarta Juventus ayaa dardar fiican ku bilaabtay waxayna walal ku abuurtay Real Madrid oo aan markiiba si fiican iskugu dhex helin garoonka, waxayna Old Lady heshay fursado xili hore ahaa laakiin goolhaye Keylor Navas ayaa sameeyay laba badbaadinood oo aad u fiican si uu Real Madrid uga ilaaliyo in goolal xili horeba looga naxsado.

DAQIIQADII 3 AAD Xidigii hore ee Real Madrid ee Gonzalo Higuain ayaa helay fursadii ugu horaysay ee gool lagu dhalin kari lahaa ee uu ku bartilmaameedsaday goolka Los Blancos kadib markii uu darbo xoogan ku tuuray laakiin Keylor Navas ayaa awooday in uu kubbada joojiyo inkasta oo ay ka soo booday balse xidigaha Juventus ayaan u dhawayn si ay kubbada ugu celin karaan.

DAQIIQADII 6 AAD Juventus ayaa aad ugu dhawaatay in ay hesho goolkeeda furitaanka kadib markii uu Miralem Pjanic si fiican kubbada ugu dajistay xabadka isla markaana uu darbo xoogan ku tuuray goolka Madrid laakiin goolhaye Navas ayaa markan sameeyay badbaadin cajiib ah si uu u beeniyo gool cadaan ah.

Real Madrid ayaa bilawgii ciyaarta u muuqatay kuwo cadaadis ka dareemayay Juventus balse kooxda Zidane ayaa ciyaarta si gaabis ah ugu soo laabanaysay. Xaamasada ciyaarta ayaa sare u sii kacaysay waxayna labada kooxood bilaabeen sidii ay goolal ku heli lahaayeen.

DAQIIQADII 20 AAD Cristiano Ronaldo ayaa noqday xidiga jabiyay ismari waagii ciyaarta kadib markii uu kooxdiisa Real Madrid kaga farxiyay goolka furitaanka isaga oo waliba goolkan ka dhaliyay meel ka baxsan xerada ganaaxa Juventus wuxuuna si qurux badan u darbeeyay kubbad uu Dani Carvajal uu difaaca Juventus soo daba mariyay iyada oo difaaca Juventus iyo goolhaye Buffon ay ku fashilmeen in ay goolkan iska difaacaan waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay hogaanka Madrid ku qabtay.

Cristiano Ronaldo ayaa goolkan taariikh ku abuuray wuxuuna noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee saddex kulan final oo UEFA Champions Leaque-ga ah goolal ka soo dhaliyay wuxuuna kooxdiisa ka caawiyay in ay ka soo kabsato kalsooni daraadii ay ciyaarta ku bilaabtay iyo cadaadiskii ay Juventus ka dareemaysay.

Dhinaca kale Ronaldo ayaa dhaliyay goolka taariikhiga ah ee ay Real Madrid ku gaadhay goolkeedii 500 aad ee Champions Leaque-ga, wuxuuna sidaa bog kale oo dahab ah uu kaga galay taariikhda kooxda uu buugaagta taariikheeda ka buuxo ee Los Blancos.

DAQIIQADII 27 AAD Mario Mandžukić ayaa u jawaabay Cristiano Ronaldo kadib markii uu xidiga ree Croatia dhaliyay gool layaableh oo uu ku dhaliyay qaab laba lugoodley ah kadib markii uu kubbad xerada ganaaxa Real Madrid uu kaga dhex helay Higuain laakiin difaaca Madrid ayaa daawanayay Mario Mandžukić oo kubbada diyaarsanayay laakiin sidoo kale Navas ayaan markan awoodin in uu wax badbaadin ah sameeyo waxaynu ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

Si kastaba ha ahaatee, qaybtii hore ee ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah waxaana la sugayay waxa ay labada kooxood la soo laaban karaan qaybtii danbe ee kulankan oo lagu magacaabo qaybta tababarayaasha.

Markii layskugu soo laabtay waxaa soo laabtay Real Madrid oo duufaan layaableh ku socota isla markaana gabi ahaanba ka duwan sidii ay ahayd qaytii hore ee ciyaarta waxayna Los Blancos markan noqotay kooxda laga filayay in ay ciyaarta si buuxda gacanta ugu qaban karto.

DAQIIQADII 61 aad Real Madrid ayaa heshay goolkeeda labaad ee murugada badan ku abuuray Juventus waxaana darbo uu ka soo tuuray meel 30 yards u jirtay goolka Juventus goolkan ku dhaliyay Carlos Casemiro kaas oo noqday geesiga Madrid ee xaalada xun ku abuuray Old Lady waxaana Casemiro sii caawiyay in kubbadu ay ku sii dhacday Sami Khedira iyada oo Buffon uu si wayn ugu fashilmay in uu sameeyo wax gool badbaadin ah waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Madrid hogaanka ciyaarta dib ugu soo ceshatay.

Real Madrid ayaa sii waday in ay noqotay kooxda wax kasta laga filan karo waxayna Juventus u muuqatay mid muuq beeshay isla markaana isku dhex yaacday oo aan lahayn awoodii iyo kartidii waynayd ee ay soo bandhigtay qaybtii hore ee ciyaarta.

DAQIIQADII 64 AAD Cristiano Ronaldo ayaa goolka saddexaad indhaha ku xaday kadib markii uu isaga oo duulaya kubbad ka dhex kubbada ka dhex qaatay difaaca seexday ee Juventus kadib markii uu Luka Modric kubbad ka soo karoosay dhinaca midig wuxuuna Ronaldo markiiba dhamaystiray kubbada uu ka dhex helay afaafka goolka Juve wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolkiisa labaad si uu ciyaarta uga dhigo 3:1 ay Madrid si deg deg ah hogaanka ciyaarta guu sii dheeraysatay.

Intaa wixii ka danbeeyay Juventus ayaa u muuqatay mid aan garanayn halkii ay ka soo laaban lahayd waxayna Real Madrid u muuqatay mid ay kalsooni buuxda u sii siyaaday. Laakiin wali Juventus ayaa isku dayaysay in ay raadiso goolka labaad si ay rajadeeda sarre u soo qaadi karto.

DAQIIQADII 80 aad Gareth Bale oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa heli gaadhay goolka uu dalkiisa Wales ku gilgili lahaa kadib markii uu Ronaldo ka helay kubbad cajiib ah laakiin Bonucci ayaa sameeyay daboolid layaableh si uu gool cadaan ah u beeniyo.

DAQIIQADII 81 aad Alex Sandro ayaa ugu dhawaaday in uu Juventus siiyo rajo kadib markii uu darbo madax ah birta uu wax yar ugu marayay waxayna Juventus u muuqatay mid yara raadin karta fursado kooban.

DAQIIQADII 84 AAD KAADHKA CAS!! Xaalada Juventus ayaa noqotay mid dhimaso ah kadib markii kaadhka cas loo taagay Juan Cuadrado oo ciyaarta badal ku soo galay kadib markii uu ka jawaabay in Ramos uu si xoogan iskugu soo tuuray laakiin kabtanka Los Blancos ayaa si sahlan dhulka iskugu tuuray markii uu Cuadrado taabashada ugu yar uu gacantiisa riixay wuxuuna si cad Ramos u qalqaaliyay kaadhka taas oo keentay in xidiga ree Colombia ciyaarta dibada laga dhigay.

DAQIIQADII 90 AAD Marco Asensio oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa taariikh isaga u gooni ah sameeyay kadib markii uu kooxdiisa Los Blancos u dhalyay goolka afraad ee ay Juventus ku ceebeeyeen wuxuuna Marco Asensio sidii caadada u ahayd uu goolal ka soo dhaliyay kulan kasta oo ugu horeeyay ee UEFA Super Cupka oo uu ka soo bilaaabay bilawgii xili ciyaareedkan, La Ligaha, Copa Del Rey iyo waliba Champions Leaque-ga wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4:1 ay Madrid ku xasuuqayso Juventus.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:1 ay Real Madrid ku dubatay Juventus isla markaana ay taariikh cusub ugu abuurtay kooxaha Yurub iyada oo noqotay kooxdii abid ugu horaysay ee difaacatay koobka UEFA Champions Leaque-ga intii qaabka hadda yahay loo dhigay horaantii sagaashamaadkii.