“Xayiraada Qadar Waxa Ay Socon Doontaa Muddo Sannooyin Ah” Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Imaaraadka Carabta

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada waddanka Imaaraadka Carabta Anwar Gargash ayaa sheegay in xayiraada dhinaca diblumaasiyada ah ee saaran dalka Qadar inay socon karto muddo sannooyin ah.

 

Gargash oo warkan ka sheegay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa ku eedeeyay dowladda Qadar inay taageerto argagaxisada iyadoo maanta ay ku eg tahay 14 maalmood oo loo qabtay muwaadiniinta ka soo jeeda dalka Qadar inay kagaga baxaan wadamada Sacudi Carabiya, UAE iyo Baxreyn.
Gargash ayaa ugu baaqay dowlada Qadar inay joojiyaan taageerada ay u hayaan muslimiinta asal raaca ah kahor inta aan la gaadhin heshiis lagu soo afjarayo khilaafka kala dhexeeya wadamada Khaliijka.
Hase yeeshee eedeymaha loo soo jeedinayo dalka Qadar ayay dawladda Qadar ku sheegtay inay tahay been aan waxba ka jirin.
Dalka Turkiga oo ah waddanka ugu horreeya ee taageerada u muujiyay dalka Qadar ayaa haatan ciidamadiisii ugu horeeyay waxa ay gaareen dalka Qadar iyagoo si wadajir ah u sameyn doona dhoolatus milatari ciidamada dalka Qadar