Daawo-Mudaharaad Maanta Ay Dadwaynaha Xaafadda Macalin Haaruun Ka Sameeyeen Agagaarka Shacabka Hargaysa

 Dadwaynaha dagan xaafadda cusub ee danyartu dagto ee la yidhaahdo “Istanbuul” ee u dhow buuraha naasa-hablood ee magaaladda hargaysa ayaa hadda mudaharaad ka hor bilaabay xafiiska badhasaabka gobolka hargysa waxaana dadkani ka cabanayaa sidda hawl wadeeno ka tirsan Hangoolnews oo goobta joogaa noogu  soo waramayaan Nin xaafaddaasi Guddoomiye ka ahaa  kaas oo xukumaddu xidhay in aan la soo dayn oo xaafaddaasi uu dhib badan ku hayay dadka dan yarta ah ee uu masuulka u ahaa siddaas darteena uu mudaharaadkoodani uu daaran yahay in xukumaddu ninkaasi ku hayso xabsiga oo uu ku jiro muddo maalmo ah,

Kacdoonkan danyarta ayaa bilaabmay ka dib markii ay maqleen warar sheegaya in la siidaynayo ninkaasi ay ka cabanayaan danyarta mudaharaadka horsamaynaysa xafiiska badhasaabka gobolka maroodi-jeex