Madaxwayne Siilaanyo Oo Saaka Subaxii Hore Dalka Dib Ugu Soo Laabtay+Sawiro

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo xubno uu hogaaminayey oo kamid ah golahiisa xukuumadda oo mudooyinkii u danbeeyey safar ku joogay dalka Imaaraadka Carabta ayaa saaka subaxii hore dalka dib ugu soo laabtay.

Soo dhawaynta madaxwaynaha ayaa waxa ka qayb qaatay  madaxwayne ku xigeenka,wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa,masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE,xildhibaano laba gole qaran ka kaa tirsan iyo waliba masuuliyiin kale,kuwaas oo dhamaantood saaka subaxii hore kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa muddo 28  cisho ah waxa uu safar ay madaxtooyadu ku sheegtay mid shakhsi waxa uu u joogay dalka Imaaraadka Carabta,balse saaka ayuu dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxwayne Siilaanyo ayaan markii uu so dagay la hadlin warbaahinta,balse afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa isagu warbaahinta la hadlay kana hadlay xaaladda Caafimaad ee madaxwayne Siilaanyo iyo ujeedada socdaalkiisii uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.

1 2 3 4 5 6

Log11