Madaxweyne Siilaanyo Oo Ehelada Iyo Shacabka JSL Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Mid Kamid Ah Hal-Doorkii Dib U-Dhiska Dalka Kasoo Qaybqaatay Oo Maanta Hargeysa Ku Geeriyooday

TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Maxamed Siciid Caabi oo maanta oo ay  taariikhdu tahay 27.07.2017 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha qaranka Somaliland, waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan ka baxay dhammaan ummadda reer Somaliland, isagoo door muhiima ku lahaa dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha ku dhaqan Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.