Murashax Muuse Biixi Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Soo Dhaweyn Aan Hore Loo Arag Kala Kulmay Degmada Sheekh Ee Gobolka Saaxil+Sawiro

Murashax Muuse Biixi Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Soo Dhaweyn Aan Hore Loo Arag Kala Kulmay Degmada Sheekh Ee Gobolka Saaxil+SawiroSheekh(HWN):-dadweynaha ku dhaqan degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ayaa si weyn u soo dhaweeyey wefti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye Murashax Muuse Biixi Cabdi.

Kumanaan ka mid ah dadweynaha degmada sheekh ee taageersan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa si xiiso io xamaasad leh u soo dhaweeyey weftiga gudoomiyaha kulmiye, waxaana lagu qaabilay jawi farxadeed.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye isla markaana ah murashaxa madaxweyne ee xisbigaasi oo ka hadlay soo dhawaynta uu kala kulmay dadweynaha degmada Sheekh ayaa waxa uu si weyn uga mahad celiyey dadweynihii ku soo dhaweeyey degmadaaasi, waxaanu kula dardaarmay inay murashaxiinta xisbiga codkooda siiyaan maalinta doorashada madaxtooyada.

(348)