Nuxurka Kulan Dhex Maray Wasiir Ku Xigeenka Hawlaha Guud Iyo Madaxda Geeska Afrika Ee Hay’adda ILO+Sawiro

Hargeysa(GNN):-Wasiir ku xigeenka hawlaha guud iyo guryeynta somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu saraysa hay’adda ILO.

Wasiir ku xigeenka hawlaha guud ayaa waxa kulankan ku wehelinayey saraakiil ka tirsan wasaarada oo ay ka mid ahaayeen agaasimaha guud ee wasaarada, maareeyaha hay’adda wadooyinka, agaasimaha waaxda qorshaynta, agaasimaha waaxda dhulka iyo farsamayaqaanada wasaarada ee la shaqeeya hay’adda ILO, halka dhinaca hay’addana ay ka socdaan madaxa Hay’adda ee geeska Afrika iyo saraakiil kale oo wehelinayey.

Ujeedada kulankan ayaa ku saabsanayd xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya wasaarada hawlaha guud iyo hay’adda ILO ee la xidhiidha mashruuca JPLG, waxaanay labada dhinac ka wada hadleen shaqooyinka u qabsoomay wasaarada iyo hay’adda iyo qorshaha mustaqbalka ee labada dhinac.

Wasiir ku xigeenka hawlaha guud guryeynta iyo gaadiidka somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan oo kulankan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey una mahad celiyey madaxda ka socotay hay’adda ILO, waxaanu ku amaanay sida hufan ee ay ula shaqeeyaan wasaarada.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaarada hawlaha guud Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa hay’adda ILO ku amaanay wax qabad la taaban karo ee ay la hir gelisay wasaarada hawlaha guud gaar ahaana dhinaca wadooyinka, tababarka shaqaalaha ee dhinaca farsamada, dhinaca shuruucda iyo hab raacyada la xidhiidha kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiir ku xigeenka hawlaha guud ayaa sidoo kale masuuliyiinta hay’adda ILO kula dardaarmay sii laban laabaan wada shaqaynta ay la leeyihiin wasaarada si lo ohelo natiijada muuqata oo la gaadho, waxaanu hay’addaasi ku amaanay inay si weyn u tix gelisho qorshaha horu marinta somaliland ee la fulinayo shanta sanadood ee soo socda.

Dhinaca kale masuulka ugu sareeya hay’adda ILO ee Geeska Afrika  George Akutho ayaa isaguna si weyn u soo dhaweeyey kulanka uu ku qaabilay wasiir ku xigeenka hawlaha guud, waxaanu sheegay inay sii wada doonaan wada shaqaynta buuxda ee ay la leeyihiin wasaarada hawlaha guud.

Ugu dambayna kulankan ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa oo ay wada gaadheen labada dhinac iyo dagaanaan

  (160)