Wasiir Cali Mareexaan Oo Muujiyay Cududa Taageero Ee Uu Ku Leeyahay Deegaanadda Bariga.

Hargaysa(GNN)Gobolka Togdheer oo marti galinayey ololaha wacyigalinta xisbiyada oo maalmihii ugu dambeeyey kulamo jilbaha labada xisbi  isku dareen beelaha dega gobolka togdheer gaar ahaan magaalada burco ayaa muujisay sida siyaasiyiinta xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ugu kala baarqabsan yihiin iyo mid ka ay la socdaan dadkiisii waxaana badka timi runta siyaasiyiin dhawaaqoodu isbidayeen inay cudud ka haystaan gobolka togdheer.

Wasiirka Hawlaha Guud, Guryeynta Iyo Gaadiidka Cali Xassan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa si weyn ugu doob-ritay gobolka togdheer  magaalo madaxdiisa BURCO iyo deegaanada hoos yimaada gobolka togdheer oo uu tuulo-tuulo u mariyey Murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay halkaas u marayaan wacyigalinta kaadh qaadashada wuxuuna Murashaxa KULMIYE dhaayihiisa ku soo tusay cududa codeed ee yaala deegaanada teedsan ee gobolka.

Wasiir  Cali Mareexaan Oo Ka Qayb Qaadanaya Wacyigalinta Kaadh Qaadashada ayaa dhayda ka cadeeyey cududa iyo taageerada baaxada leh ee uu ku lee yahay gobolka iyagoo dad weyne u heelan waxqabadkii uu ka hirgaliyey deegaanadaasi lagu fasiray inay sabab u yihiin dad weynaha ku soo shamuumay.

Sidoo kale wasiir cali mareexaan ayaa kaga cudud weynaadey Hogaamiye Xirsi oo isagu isbidayey inuu taageero ku lee yahay deegaanada uu ku abtirsado kuwaas oo xisbiga WADDANI Ku Beerlaxawsadey inuu dadka bariba jeebka ugu hayo balse riyada xirsi ayaa socdaalkii burco ka dhigay dhedo Roob Noqon Weydey ka dib markii uu ku guuldareystay shirar doceedyo uu la yeelanayo ardaayadiisa si uu ugu qanciyo inay xisbiga WADDANI ku soo biiraan isla markaana ay hiil cod la garab istaagaan.

Shirarkaas oo saacado qaatay ayaa waxaa ka soo baxay go,aamo aan ka farxin oo laf jab ku noqdey damacii xirsi ku doonayey in xulufo kula noqdaan xisbiga WADDANI waxaanay muujisay sida Hogaamiyaha WADDANI Faromadhnaanta uga yahay taageerada beelaha bariga BURCO.

Wasiir Cali Mareexaan ayaa isagu isku kala bixiyey deegaanada bariga oo Xisbiga KULMIYE kala kulmay taageero cirbax ah oo muujisay sumada fooraha guusha xisbiga KULMIYE ee bariga ka hilaacay waxaana deegaanada war-cibraan-xood iyo xayira oo hogaamiye xirsi ardaagiisu dego ay ku soo reen murashaxa KULMIYE  hadhimo sharafeed qado ah isagoo habeenkiina luxudka u dhigay caweysin shiraban oo sheeko iyo shaahleh oo ay la qaateen madaxdhaqameedka beelahaasi.

Dhinaca kale wasiir Cali Mareexaan ayaa wacdaro ka dhigay magaalda qoryaale wuxuuna muujiyey taageerada xisbiga KULMIYE  ee degmada u taala oo ah mid xisbigu isku haleyn karro kuwaas oo si weyn quluubta uga jecel xisbigooda oo aaney meel kale geedi siyaasadeed ku ahayn  waxaaney ubalan qaadeen inay codkooda siinayaan Murashaxa KULMIYE Muuxe Biixi Cabdi.

  (72)