Weftigii Murashax Cirro Oo Xalay U Hoyday Degmada Salaxlay+ Deegaanada Hoos Yimaada Degmadaasi Oo Si Cajiib Ah Looggu Soo Dhaweeyey+Sawiro Iyo Muuqaal

Weftigii Murashaxa Madaxweynaha WADDANI ee kormeerka ku maraayey goobaha ay ka socoto qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbiyeyaasha Doorashada Somaliland, ayaa shalay galabnimadii iyo xalay fiidkii ba si weyn looggu soo dhaweeyey degmada Salaxley iyo deegaanada hoos yimaada degmadaasi.

Weftigan guddoomiye Cirro oo ay wehelinaayeen qaar ka mid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI, ayaa waxa si weyn deegaanaddaasi ugu qaabiley Suldaan Caddo-gude, Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir, Siyaasi Dhoole-yare, Mujaahid Maxamed Baaruud, Xildhibbaan Weli Axmed Xaawo, Siyaasi Keyse Cali Geedi, dhallinyaro, haween iyo weli ba sida oo kale taageerayaal baaxad-weyn oo muujinaayey cududa taageero ee ay la garab joogaan Xisbiga WADDANI.

Qaar ka mid ah dadweynahii ku dhaqnaa deegaanaddaasi oo ka hadlaayey goobahii shirarka lagu qabanaayey, ayaa muujiyey in ay taageero dhaba oo buuxda ay la garab taagan yihiin Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay hore ugu soo hungoobeen Xisbiga KULMIYe oo ay sheegeen in ay ku balan-qaadyo beena oo aan waxba ka fulin.

Jiif Caaqil Rashii Jaambiir oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey weftiga isaga oo ka sheekeeyey sababahii ku kalifay in uu ka soo diga-rogto xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa.

“Ugu horreyn waxa aan hambalyeynayaa dhallinyarada Salaxley  oo aan aaminsanahay in ay yihiin laf dhabarta Xisbiga WADDANI oo illaa saaka iyo imika(xalay) kaga hor yimi inta u dhaxeysa Ina-Guuxa iyo Hargeysa oo weli ba aan anigu garanaayo wixii ay qabteen shantii habeen ee aan joogay Salaxley. Waxa kale oo aan idiin sheegayaa in qoyska aan ka soo jeedo ee reer Jaambiir ay la joogi jireen cid u cadaalad sameysa , hore na reer Salaxley waxa aan ku soo noq-noqday aniga oo la shaqeynaya dawladda, in badan baana ayaad i maqasheen aniga oo leh dawladda raaca oo u taga oo xaqiina ka doonta halka aan maanta ka taaganahay na waada garaneysaan waana laba sababood uun oo kala ah dadka deegaanka iyo dadka reer Somaliland in ay horta kaadhkooda qaataan si ay xaqooda cod bixineed u helaan midda kale na waxa weeye waar Xukuumaddaa aniga iyo aabahay na lagu xaman jiray waan arki waayey wax natiijo ah oo ay Somaliland u hayso, waxaana doonayaa in aan ka bedelo oo maanta uu isbedel yimaado ayaan doonayaa. Teeda kale haddii aan lacag iyo dhadhan doonaayo dawladdaan la joogi lahaa laakiin sababta aan uga soo horjeestay waxa ay tahay in mustaqbalkii dalka, dadka iyo dantii deegaanka mid haysa in aanay ahayn laakiin Xisbiga WADDANI waa xisbiga aan u arkay in uu dalka ka saari karo marxaladdaasi oo uu cadaalad ku dhaqi karo, sidaas awgeed guddoomiyaha waan ku soo dhaweynayaa degmada Salaxley.”.Ayuu yidhi Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir

Suldaan Caddo-gude oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in shacabka reer Salaxley ay doorteen Xisbiga WADDANI, waxaana uu yidhi:-

“Marka hore aad baan u soo dhaweynayaa weftiga uu hoggaaminaayo guddoomiye Cirro ee Xisbiga WADDANI, sida aynu ogeyna weftigan ujeedadiisu waxa ay ahayd siddii dadka looggu boorin lahaa in kaadhka codbixinta la qaato, markaa inaga oo taa ka duuleyna horta deegaanka Salaxley waxa aan lee yahay Kaadh yaanu inaga habsaamin. Mudane guddoomiye safar dheer baad soo gashay se caawa waxa halkan ka muuqda wax aan odhan karo Ciidagale Gob, oo waxa ay ku dhiiradaan oo aanay ka gaban masiirka iyo maslaxadda umaddu halka ay ku jirto oo siddii saaka in ay u taagnaayeen oo ay habeenimadaa caawa(xalay) ku gaadhaan xiligaas waxa ay mustaqbalkii dalka ay u arkeen in ay talada gacanta kuu geliyaan.”.

Boqor Raabi oo isna halkaas kelmado kooban ka jeedieyey, ayaa si adag u durey Muuse Biixi oo uu sheegay in uu dadka deegaankaas ku sameeyey arrimo aan loo dulqaadan Karin.

“Waxa aan caawa ku faraxsanahay oo aan degmada Salaxley ku soo dhaweynayaa Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo aan lee yahay Soo dhawoow guddoomiye, intaas waxa ii dheer oo aan idiin sheegayaa ninka maanta KULMIYE Madaxtinimada ka doonayaa ee leh deegaanku abti buu ii yahay ee beer laxowsanaya, waa kii buuryada haystay ee lahaa Habar-Yoonis baanu aragnay macdalla waaba ciida-galle, maxaa uu abti u sheegan waayey maalintaa markaa waxa aan idin lee yahay hiilku gacantiina ayuu ku xidhan yahay, maanta ha qaldamina aad iyo aad na waan ugu faraxsanahay isku soo baxa aad soo baxdeen haddii aad reer Salaxley aad tihiin ee aad muujiseen dareenkiina isbedel ee dhabta ah oo aan aad ugu faraxsanahay.”.Ayuu yidhi Boqor Raabi

Siyaasi Aadan Dhoole-yare oo ka tirsan Xisbgia WADDANI sida oo kale na hore u ahaan jiray wasiirkii Beeraha ee Xukuumaddii Ra’yaale, ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyey weftigaasi.

“Mudane guddoomiye waan kugu soo dhaweynaynaa degmada Salaxley, waxaana aan kuu sheegayaa dadka halkan jooga ee reer Salaxley waa dadkii berigii Xisbiyadu soo baxayeen la yidhi Geelaa codeeyey, dadka deegaankani waa dad aan munaafaqadda aqoonin, waxaana ay laba goor oo hore ay codkooda siiyeen Xisbigii UCID ee ay soo saareen, laakiin maanta waxa ay yidhaahdeen kaadhkayaga waxa aanu saaraneynaa Xisbiga WADDANI.”.Ayuu yidhi siyaasi Aadan Dhoola-yare

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, oo ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa isna shacabka deegaankaas uga mahad-celiyey sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen.

“Dhammaan ba shacabka degmada Salaxley ee illaa saaka halkan nooggu fooganaa in ay na soo dhaweeyaan ee weli ba xiligaas dambe na taagan waan u mahad-naqeynaa, mar kale waan idiin ka mahad-naqeynaa maamuuska iyo milgaha aad noo muujiseen, waxa kale oon idiin ka mahad-naqayaa taageerada aad u muujiseen Xisbiga. Goor dhaweyd inan halkan ka hadlaysay waxa ay sheegtay in ay damqatay se waxa aan u sheegayaa in shacabka Somaliland oo dhammi ay wada damqadeen waxaana ay doonayaan isbedel, isbedelkaas na waxa maanta shacabku ay ku kalsoon yihiin in WADDANI uu keeni karo isbedelka.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

Ugu dambeyntii, weftigan uu hoggaaminaayo guddoomiye Cirro oo degmada Salaxlay soo gaadhay xalay fiidnimadii ayaa u hoyday halkaasi iyada oo la filaayo in maalinta beri ah na ay socdaal kale oo la xidhiidha arrimaha kaadh qaadashada diiwaan-gelinta ugu bixi doonaan magaalada Balli-gubadle ee gobalka Hawd.

2 3 4 5 6 7 8 9 10

Log11