Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Buugii ugu horeeyey ee ka hadlaya Autism oo Somali ah oo soo baxay

Buuggani waxa uu ku saabsan yahay Autistic Specrtrum Disorder (ASD), oo ah Naafanimo qofku inta uu nool yahay haysata, taas oo saameeya habka qofku ula xidhiidhayo ama u dhexgalayo bulshada ku geddaaman, ama uu la nool yahay. Autism waa cudur maskaxda ku dhaca oo uu Ilmuhu isaga uun isku mashaquulayo oo aanu ogeyn dadka la jooga ama waxyaabaha hareeraha kaga wareegsan. Buuggani waxa uu si cilmi ah u soo bandhigayaa waayo-aragnimo qoraha buuggu u leeyahay xanuunkan muddo badan oo uu la tacaalaayey. Buugga waxaad ka heli doontaa macluumaad badan, warbixinno door ah, sooyaalka xanuunka, talooyin iyo ugu dambeyn cinwaanno taageero, toosin, tilmaan ba aad ka heli doonto oo adduun weynaha ku kala filiqsan. Buuggan waxaad ku iibsan kartaa online. Waxaanad si fudud uga heli kartaa degelkan https://www.lulu.com/shop/search.ep?keyWords=siciid+m.+xuseen&type=

ISBN: 9781387051557

Copyright: Said M. Hussein (Standard Copyright Licence)

Edition:1

Publisher: Siciidnayl

Published: 30 July 2017

Language: Somali

 

————————————————————————————————————-

http://www.waaberinews.com/buug-noociisu-ku-cusub-yahay-dadka-somaliyeed-oo-laga-qorey-xanuunka-autism-qore-saed-hussein/

 

——————————————————————————————————————–

Xafladda Bandhigga Buugga “Waa maxay Autism, ee uu qorey Siciid Maxamuud Xuseen

——————————————————————————————————————

——————————————————————————————————————-

Ururka Bristol Horn Youth Concern ayaa cawa magaalada Bristol lagu soo bandhigey buugga “Waa maxay Autism iyo xaaladaha la xidhiidha”,

——————————————————————————————————————–

Voices: My community doesn’t need a Somali word for autism


 

%d bloggers like this: