Cali Guray Oo Ku Eedeeyay Waddani Inay Wadaan Qorshe Lagu Waxyeelaynayo Nabadgelyada Dalka.

 Siyaasiga  Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Oo Ka Mid Ah Xisbiga Kulmiye, Ayaa Ku Eedeeyay Xisbiga Waddani Inay Doonayaan In Fidmo Ka Abuuraan Doorashadii Guddoomiyaha Cusub  Ee  Wakiillada Ee Axadii Toddobaadkan Loo Doortay  Baashe Maxamed Faarax Oo Ka Adkaaday  Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle Oo La Tartamayey Oo Ka Tirsan Xisbigaas.

“Arrinta Baarlamaanka Ka Dhacday Oo Si Sharaf Leh U Dhacday Laguna Tartamay Oo La Sigay Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumadaba Oo Hal Cod Lagu Kala Badiyay, Guushaas  Waxay Ahayd In  Xisbiga Waddani Haysto,Xildhibaankii   La  Tartamayay Baashe Maxamed Faarax  Wuu Hambalyeeyey. Sheeko Kale Oo Meel Kale Ka Timid Oo Aan Golaha Ka Iman Ayaa Timid Oo La Yidhi Ku Murma Oo Qas Geliya, Baashe Maxamed Faarax, Laba Jeer Ayaa Gacanta Lagu Saaray Golaha Wakiillada, Mar Saddexaad Lagu Saari Maayo  Shan Farood Iyo Calaacalna Ninka Wax Ku Qaadi Karayow Soo Bandhig Burhaantaada  Waana  Innoo Golihii Hargaysa,”Ayuu Yidhi Cali Guray Oo   Hadal   Ka Jeediyay Xaflad Dadweynaha Caynabo Ku Qaabileen   Weftiga Guddoomiyaha Ahna Murrashaxa Madaxweynaha Kulmiye, Md. Muuse Biixi Cabdi Oo Booqasho Ku Maraya Gobolka Sool.

Waxa Kaloo Uu Ku Dooday In Khilaafka Wakiillada Ay Ku Jirto Far Iyo Qorshe  Cadow Soo Maleegay, Waxaannu Yidhi;  “Waxaannu  U Arkaynaa In Lagu Soo Duulay Amnigii Somaliland  Oo La Doonayo In Aanay Si Nabadgelyo Ah  Oo Xalaala U Dhicin  Doorashada Madaxtooyadu   Oo,  Taasna Waxaannu Ku Difacaynaa Wax Wal Oo Aanu U Hayno Mana Dhacayso, Markaa Waxaan Leeyahay Candhuuftiina Dib U Liqa Oo Wanaagga U Soo Hanuuna Kursigani Waxa Haystay Beesha Dhexe Oo Waan U Dagaalamayey Oo Waxaan Lahaa Hala Siiyo  Reer Sool.      Iyagaa  Ku Tartamay Oo Kala Helay, Reer Soolna  Maaha Ee Far Ayaa Soo Gashay,  Waana Far Cadow.  Waxay Ku Socotaa In  Ay Fidmo Iyo Fad-Qalalo Laga  Rido Somaliland,  Taasina Maaha Mid Cidna  Laga  Qaadanayo.  Somaliland Shan Farood  Iyo Calaacal  Marna Waxba Kumay Kala Qaadan Maantana Ku Kala Qaadi Mayso Ninka Doonaya In Uu Ku Qaado Waa Beentii.”

Cali Guray Waxa Uu  Tilmaamay In Xisbiga Waddani  Urursaday Siyaasiyiintii    Waddanka  Ugu Xumayd;  “Xisbi Walba Waa Gashay Cid Cusubi   Uma Aan Soo Gelin Kulmiye Inaanu Waddani Cayno Oo Murrashaxa Waddani, Waanad Arkayseen Wixii  Uu Ismaaciil Yare Ku Hadlayey, Waxaanu  Waddani Urursaday Qofba Qofkii Uu Ka  Xumaa,Waxaanay  Ku Yidhaahdeen  Waxaad Caydaa Kulmiye Waxaanay  U Tageen Waddani Inay  Fad-Qalalo  Abuuraan,Ragii Waa Weynaa Ee Xisbiga Ahaa Way  Gaabsadeen Niman Yaryar Ayaa Xisbiga  U Tegay Fad-Qalalo Uun,”Ayuu Yidhi Siyaasi Cali Guray.