Dadweynaha Degmada Xudun oo Taageero Baaxad leh ku Qaabilay Weftiga Murrashaxa KULMIYE.

Dadweynaha ku dhaqan degmada Xudun ee Gobolka Sool, ayaa taageero dhoolla-tus ah si baaxad leh ugu qaabilay weftiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku tagay socdaal qayb ka ah safarka wacyigelinta qaybinta kaadhka codbixinta doorashooyinka ee ka bilaabay gobollada Sool iyo Sanaag shalay.20799222_926004614204293_8733285670002409072_n

20728220_926002197537868_3038811409064072702_n
Boqolaal qof oo ka mid ah shacabka ku nool halkaasi, ayaa kaga hortagay weftiga KULMIYE meel ka baxsan magaalada Xudun oo ay ku qaabileen fardo iyo gaadiid badan, iyagoo lulaya calanka astaanta u ah xisbiga ee caanka ah, waxaana halkaasi salaan kaga qaatay Murrashax Muuse Biixi iyo masuuliyiinta kale ee weftigiisa.
Intaa kadibna waxa weftiga KULMIYE loo galbiyey madal boqran oo loo diyaariyey in madaxda iyo saraakiisha uu ka koobanyahay weftigu, iyadoo hadallo ay halkaasi ka jeediyeen Boqorro, cuqaal iyo waxgarad kale oo ka mid ah kuwa ka soo jeeda degmada Xudun ay si wayn u soo dhaweeyeen weftiga, isla markaana waxay u caddeeyeen Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE in deegaanka Xudun uu si buuxda u barbartaagan yahay xisbiga iyo xukuumaddiisaba oo ay mar labaad u dooranayaan talada waddanka.
Dhinaca kale, masuuliyiin ka tirsan weftiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Amb. Axmed Xasan Cigaal, ayaa mahadcelin ballaadhan ka siiyey bulshada degmada Xudun sida miisaanka leh ee ay u soo dhaweeyeen.


20727836_925996104205144_3557026152011759034_n 20728368_925989657539122_2265583966549027058_n 20729601_925994707538617_7789247623772786469_n 20768118_925996534205101_4650014350959652409_n 20768217_925987627539325_1534170427005331252_n 20770285_925976420873779_1518004844432372395_n 20800082_925988720872549_7349677514282566072_n
Ugu dambayntiina, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa u mahadceliyey guud ahaan shacabka reer Xudun ee sida milgaha iyo gobonimada leh u soo dhaweeyey, uguna muujiyey taageerada baaxadda leh.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa kaloo uu khudbaddiisa kaga hadlay xidhiidhka xisbiga KULMIYE iyo degmada Xudun, waxqabadka xukuumaddu ka hirgelisay gobollada bariga, horumarka iyo wax-wada-qabsiga iyo muhiimada uu leeyahay qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka oo uu si wayn ugu dhiirrigeliyey bulshada.