Ganacsatada Oo Xukuumada Somaliland U Gudbiyey Qoraal Ay Ku Soo Bandhigeen Hoos U Dhac Ku Yimid Dekeda Berbera Mudadii Ay DP World Gacanta Ku Haysay.

:-Ganacsatada Somaliland ee fadhigoodu yahay magaalada Berbera ee gobalka Saaxil ee alaabta kala soo degta, kana dhoofisa dekedda Berbera ayaa qaylo dhaan ka muujisay isbedelka hoos u dhaca ah eek u yimid dekedii Berbera tan iyo intii DP world ay la wareegtay maamulka dekeedd.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa helay qoraal ay ganacsatada gobalka Saaxil u gudbisay guddi wasiiro ah oo Berbera booqday Sabtidii kuwaas oo ururinayay cabashada ganacsatada ayna ka mid yihiin wasiirada arrimaha dibadda Sacad Cali Shire iyo Maaliyadda. Qoraalkaas oo ay ganacsatadu qoreen 13/8/2017, una gudbiyaan Sabtidii ayaa wuxuu soo bandhigayaa isbedelka laxaadka leh ee hoos u dhac ee

ku yimid shaqadii iyo hawlihii dekedda Berbera, waxaanu qoraalka uu Geeska Afrika helay oo dhammaystirani uuna ku saxeexnaa guddoomiyaha guddiga ganacsatada Yuusuf Cali Nuur, uu u dhignaa sidan:

“Mudanayaal; Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa cabashooyinka ka jira shaqada dekedda Berbera tan iyo intii ay la wareegtay shirkadda DP world Berbera. iyadoo intii hore aanu wakhti siinay maadaama oo ay ku cusbayd shaqada haatan oo ay joogto muddo lix bilood ah waxaanu qiimayn iyo is barbar-dhig ku samaynay isbedelka ku dhacay qaabkii ay ahayd shaqadu wixii ka horeeyay March 2017 iyo  hadda oo ah august 2017 dhibaatooyinka ka jira. Waxa ka mid ah

1. Soo xidhista maraakiibta iyo doonyaha

Waxa intii ay joogtay shirkadda DP world hoos u dhac weyni ku yimid habkii soo xidhista maraakiibta iyo doonyaha taas oo keentay saamayn taban oo xagga ganacsiga iyo socodsiinta shaqada ah. Tusaalahan hoose waxaad ka arki doontaan isbarbar dhigga markii hore iyo wakhtigan

2. Dejinta Maraakiibta iyo doonyaha

Waxa hoos u dhac iyo isbedel weyni ku yimid qalabka wax lagu dejiyo ama lagu raro mudada lixda bilood ah ee ay dekedda maamulaysay shirkadda DP world, hadday tahay liftarada, wiishashka iyo qalabka lagu dejiyo koontiinarada ama lagu raro iyadoo aanay lahayn muddo dheer qalab wax kuu rara ama kuu dejiya taas oo ganacsiga ku keentay kharash dheeraad ah, dib u dhac xagga wakhtiga ah iyo dayac iyo dhaawacyo ku yimaada alaabta raagaysa dekedda. Waxa xusid mudan in Kastamku uu isla maalinta D/o la soo jaraba uu noo dhameeyo nidaamka procceska isaga ku xidhan islamarkaana badeecadda u diyaariyo rarka.

Culayska xad dhaafka ah ee saaran dekedda ka dib markii alaab badani isku soo gaadhay oo laga ilaalin jiray awal hore ka sokow, waxa buux dhaafay Koontiinarada faaruqa ah ee xanibay gaadiidkii alaabta qaadi lahaa, iyadoo maraakiibtii faaruqa qaadi lahayd ay madhnaan ku tagaan ka dib markii meel loo mariyo ay waayeen iyo soo raristooda oo dhib noqotay maadaama oo shaqaalihii yaqaanay ay shift galeen, taasi waxay ganacsiga ku keentay sidaan horeba u soo sheegnay

1. In storage alaabta ku bilaabmo iyadoon markabkii ama doontiiba la soo xidhin

2. In demurrage ku bilaabmayo  alaabtii iyadoon markabkii ama doontii la soo xidhin

3. In alaabtii suuqii dib uga dhacdo iyadoon macaamiishuna markay ka raagto alaabtu ay Puntland iyo Djibouti u doonanayaan bedelkeedii

4. Maadaama oo markabkii ama doontii ilaa laba bilood joogayo dekedda Berbera waxay go’aansadeen qaar badan oo ka mid mulkiilayaashii weelku inaanay dib ugu soo noqon marsada Berbera ka dib markii kharashku ku batay haddii kalena ay nooliga toban laabaan. Talaabadaas oo culays xad dhaaf ah ku keentay ganacsiga iyo dhaqaalaha dadkeena danyarta ah

5. Wakhtiga dheer ee gaadiidku joogayo Berbera waxa isbedelay khadkii maraakiibta soo qaaday koontiinarada oo awal ahaa Jabal-Ali..Berbera..Muqdisho imikana noqday Jabal-Ali..Muqdisho Berbera taas oo dhabar jab ku ah guud ahaan ganacsiga dalka iyadoo badeecado badan oo ku degi lahayd Berbera lagu rogo Muqdisho. Sidoo kale alaabtii export ahayd ee aan Soomaaliya u iib gayn jirnay oo gebi ahaanba meesha ka baxday sida Pepsiga, saabuunta, taydha, Unigaasta, digaaga iyo raashinka

6. Inay inaga xidhmaan wershadaha dalka oo alaabtii ay ku shaqayn lahaayeen ay ku xanibantahay maraakiibta aanu ka soo hadalnay iyadoo aanay wershaduhu iska xejin karin kharashka shaqaalaha maadaama oo aanay waxba soo saarin

7. Waxay saamayn ku yeelatay dhoofkii xoolaha oo istaagay gaar ahaan Cumaan oo doonyuhu u qaadi jireen xoolaha nool taas oo doonyaha lagula soo heshiin in soo noqodka la soo saari doono xoolo nool

8. Waxa hoos u dhac ku yimid ilaalinta Koonteenarada ka baxa ama soo gala dekedda iyadoo koontiinaradaasi aanay wakiiladu ugu tallo gelin in dekedda ay ka baxaan lagala baxo qaar loo qorsheeyay in faaruqooda la celiyana ay dad iska qaataan.

3 Isku dhex yaac xaga maamulka ah

1. Waxa soo baxay isku dhex yaac iyo kala dambayn la’aan xagga shaqada gudaha ah iyadoo gebi ahaanba uu burburay haykalkii iyo wada shaqayntii ka dhaxaysay shaqaalaha dhexdooda iyo shaqaalaha iyo ganacsatada dhexdooda oo tusaale ahaan aanad garan karin cidda aad u ashkatoonayso haddii laguu shaqayn waayo, waayo waxa kale oo aanad garan karin wakhtiga laguu shaqaynayo waxaanaba haba yaraate aan jirin jaranjaradii shaqada lagu maamulayay

2. Iyadoo aanay jirin cid noo dhaxaysa ka ganacsato ahaan annagaga iyo DP world oo Berbera joogta waxa kale oo nagu adag inaanu mar walba Hargeysa u soo dhaadhacno iyadoo hawshayada shaqo ee maalinlaha ahi aanay xamilayn in mar walba Hargeysa la soo aado

3. Dekedii weynayd iyo dekedii yarayd oo lakala xidhay taas oo keenaysa dib u dhac ku yimaada shaqada wax sababayna aanaan garanayn

4. Koontiinarada iyo gaadiidka waxyeeladu ku gaadho rogista iyo rarka oo aanay jirin cid loo raacaaba

Tallo Bixin

1. In dib u habayn lagu sameeyo qaybta rarka iyo dejinta ee dekedda Berbera (waaxda farsamada)

2. In la helo cid u dhaxaysa DP world iyo ganacsatada islamarkaana Berbera ku xalisa wixii cabasho fudud ah

3. In sida ugu dhaqsaha badan looga qaado dekedda koontiinarada faaruqa ah ee xanibay gaadiidka badeecadaha qaadi lahaa iyo goobihii wax laga rari lahaaba

4. In culays lagu saaro DP world inay dedejiso soo xidhista gaadiidka badeecadaha sida iyo rogista gaadiidka marka la soo xidho islamarkaana mudnaanta u kala samayso gaadiidka sida xoolaha, koontiinarada iyo alaabta guud.

 

 

Source:-Wargeyska Geeska Afrika