Mo Farah oo ka fadhiisanaya orodada fudud una gudbaya orodka dheer ee Marathon ka.

Orodyahanka caanka ah ee ree Somaliland una orda wadanka Britain Mohamad Farah ayaa ka fadhiisanaya Gabi ahaanba orodada fudud ee 10000m iyo 5000m oo uu ku guulaystay 5 jeer oo isku xigta oo heer caalami ah.

Maxamed Farah oo wiigii hore ku guuleystay 10000m ciyaaraha Championships ka oo ka socday magaalada London oo uu markiisii u danbaysay ordayay ayaa habeen hore laga qaaday 5000m.

orodyahan u dhashay wadanka Ethiopia oo lagu magacaabo Mukhtar Edris ayaa ku guuleystay bilada dahabka ah halka uu maxamedna ka gaalaly kaalinta labaad oo uu helay bilada qalinka (Silver ) ka.

Hadaba Maxamed Faarah oo imika 34 jir ah ayaa sheegay inuu Gabi ahaanba joojinayo orodada fudud isla markaana uu ordi doono orodka dheer ee Marathonka loo yaqaano oo ah 42km iyo 21 km.

Mo Farah  ayaa markii u danbaysay wuxu ordi doonaa 5000m bishan august 28 keeda magaalada Zurich ee wadanka Switzerland oo lagu qabanayo ciyaaraha Daimond League.

Mo farah oo ku caan ah Calanka Jamhuuriyada Somaliland oo uu gacanta ku xidho markasta oo uu ordaya ayaa taariikh wayn ku leh ciyaaraha orodada iska oo ku guleystay in kabadan 10 biladood oo dahab ah.

Halkan ka Daawo sawirada orodkii u danbeeyay oo uu gacanta ku sito calanka wadanka Biritain iyo kan Somaliland.

mo6

mo4 mo5

Gabiley.net (326)