“Mudane Cabdiraxmaan Haddii Uu Doorashada Ku Guulaysto Wuxu Noqon Doonaa Madaxwaynahayga” Mujaahid Cali Guray Oo Sheegay In Uu Ixtiraam Weyn U Hayo Murrashax Cirro

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah saraakiisha xisbiga KULMIYE ayaa ka hadlay tartanka u dhexeeya Murrashaxiinta xisbiyadda WADDANI iyo KULMIYE, waxaanu sheegay in uu ixtiraam weyn u hayo labadooda.

Siyaasi Cali Guray oo qoraal kooban oo arrintaa kaga hadlay soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa waxa ay dhignayd sidan:

“Madaxda xisbiyadu waxay mudan yihiin ixtiraam, gaar ahaan aniga Gudoomiyaha Waddani sida isaguba uu ii ixtiraamo in aan aniguna si ka wayn u ixtiraamo wuu igu leeyahay. Xiliga tartanka iyo ololuhuna wuu xadidan yaha doqontuna hadii la xafiiltamo in la coloobay bay moodaa. Mudane Cabdiraxmaan hadii uu doorashada ku guulaysto wuxu noqon doonaa madaxwaynahayga hadii kalena Muuse oo aan dhisayo ayuun baa labadayadaba Madaxwayne noo wada noqon doona hadii Alleh yidhaa tartankuna ceeb maaha hadii aan la xumayninna xumaan maaha”