Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Oo Kormeeray Goobaha Kaadh-Qaadashada Ee Ceerigaabo

Sanaag(GNN):-Guddoomiyaha ahna murashaxa Madaxweyne ee UCID Eng Fasyal Cali Waraabe ayaa manta soo kormeeray goobaha kaadh-qaadashadu ka socoto ee magaalada Ceerigaabo.

Waxaanna uu halkaasi kula kulmaayay hawl-wadeennada komishanka, isagoo warbixin ku aadan sida hawluhu ku socdaan ka dhagaystay, waxaanay sheegeen hawl-wadeennadu in ay hawshu si habsami ah u socoto, isla markaana dadku si fiican u qaadanayaan kaadhka codaynta .

Murashaxa Madaxweyne ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa hawl-wadeennada ku dardaarayay in ay ku baraarugsanaadaan masuuliyadda culus ee la saaray, isla markaana ay bulshada si hufan ugu adeegaan.

Geesta kale, Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa xadhiga ka jaray Xafiis cusub oo xisbigu ku yeelan doono Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. Waxaannu halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, taas oo uu kaga hadlay kaadh-qaadashada iyo qodobo kale.

Guddoomiye Faysal ayaa bulshada reer ceerigaabo ku adkeeyay qaadashada kaadhka codaynta, waxaannu cod dheer ku sheegay in ay bulshadu doorato mustaqbalkooda ee aanay u danayn murashaxiinta ordaysaa. Sidoo kale waxaa uu bulshada ku dhaqan Gobolada Bari ee Dalka ugu bushaareeyay in Murashaxa Madaxweyne ku xigeen Ee UCID laga soo xuli doono gobolada bari ee dalka.