“Qofkii diin ku barbaara, wuu ku ciraystaa-Haduu cilmaaniyad iyo gaalnimo ku barbaarana wuu ku ciraysan..” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

“Qofkii diin ku barbaara, wuu ku ciraystaa-Haduu cilmaaniyad iyo gaalnimo ku barbaarana wuu ku ciraysan..”  Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

Hadaad Ilaahay iyo Diintiisa ku sugnaato waad sugmi, hadii sheydaan iyo gaal ku duufsadana waad duloobi.  

Hargeysa- Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ayaa sheegay marka qofku xaqiiqsado  in mustaqbalka diinta islaamku leeyahay,  waxay u sahlaysaa inuu ku sugnaado diintiisa.

Khudbad Sheekh Maxamed kaga hadlayey arrimaha qofka ka caawiya  ku sugnaanshaha diintiisa, ayuu qeybteedii labaad ku bilaabay;

“Ummada Islaamka Ilaahay waxuu ugu baaqay in badan I xusa, gelinka dambe iyo gelinka horeba. Digriga Ilaahay ayaa wax badan lagu maareeyaa, werwerka, kurbada, cadowga.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in arrimaha kaa caawinaya ku sugnaanshaha diinta Ilaahay ka mid tahay inaad dacwada ilaahay dadka ugu yeedho, waxaanu yidhi,

“Dacwada Ilaahay inaad dadka ugu yeedho waxay kaa caawisaa inaad ku sugnaato diinta, sida Ilaahay aayad inoogu sheegay macnaheedu ahaa “ U sheeg Nebi Maxamedow NNKH kaasii waa dariiqii Alle aniga iyo inta i raacdaba. Taaso laga faa’iidayo ugu yaraan inaad dhowrsoonaato.

Saaxiibka iyo wehelka wanaagsan waa arrimaha kaa caawiya ku sugnaanshaha diinta, ayuu sheegay Sheekh Maxamed, waxaanu yidhi,

“Weheshiga iyo la saaxiibka dadka wanaagsan way ku caawiyaan, sida Ilaahay Nebi Maxamed NNKH u sheegay, ‘Naftaada ku xeji, la jooga kuwa Ilaahay caabuda gelinka hore iyo gelinka dambe.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ku kalsoonaanta in mustaqbalku leeyahay waxa Ilaahay doonayo tahay arrin kaa caawinaysa diinta, waxaanu yidhi,

“Ku kalsoonaanta in mustaqbalku leeyahay waxa Ilaahay doonayo. Hadaad Ilaahay iyo Diintiisa ku sugnaato waad sugmi, hadii sheydaan iyo gaal ku duufsadana waad duloobi.

Sabirka ayaa ka mid ah waxyaalaha innaga caawiya ku sugnaanshaha diinteena ayuu sheegay Sheekh Maxamed, waxaanu yidhi,

“Inaad sabir yeelatid waa wax weyn oo kaa caawiya ku sugnaanshaha diintaada, sida Ilaahay   quraanka inoogu sheegay, “Weheshada sabirka iyo salaada.’ Kol hadaad sabrayso, oo Ilaahay caabudayso, oo gaalka iyo dunuubtiisa ka dhowrsankiisa ku sabrayso, Ilaahayna wuu ku garabtaagan yahay, qof Ilaahay garabtaagan yahayna ma iilanayo.

Marka aakhiro iyo waayaha qabrigu xusuustaada ku jiraan kama dhacaysid ku sugnaanshaha diinta ayuu sheegay Sheekh Maxamed, waxaanu yidhi,

“Inta xisaabta aakhiro iyo qabrigu xusuustaada ku jirto way kaa caawinaysa ku sugnaanshaha diintaada.

Inaad eegato dariiqa wanaagsan way kaa caawinaysaa  ayuu sheegay Sheekh Maxamed, waxaanu yidhi,

“Kooxo badan oo islaam sheeganaya ayuu nebigu NNKH hore inoogu sii sheegay, si qofku diinta ugu sugmo waa inuu raaco dadka diinta saxiixa haysta ee ku dhaqma waxa quraanka iyo sunnahu sheegeen.

Waxa qofka ka caawiya inuu diintiisa ku sugnaado marka lagu soo tarbiyadeeyo ayuu sheegay Sheekh Maxamed, waxaanu yidhi,

“Tarbiyada wanaagsan waxay kaa caawisaa ku sugnaanshaha diinta islaamka. Qofku haduu shey ku barbaaro wuu ku ciraystaa-ayaa la yidhaahda. Qofku haduu diin ku barbaaro, wuu ku ciraysan-haduu cilmaaniyad iyo gaalnimo ku barbaarana wuu ku ciraysan.

Dembi dhamaantii, mid yar iyo mid weyn ka dhowrsankiisu waxay kaa caawisaa ku sugnaanshaha diinta ayuu sheegay Sheekh Maxamed, waxaanu yidhi,

“Dembiga yar iyo mid weyn, ka muuqda iyo ka qarsoon ka dhowrsankiisu waa waxyaalaha kaa caawiya ku sugnaanshaha diinta. Qofku waa inuu iska ilaaliyo nooca ay doontaba ha ahaatee wax Ilaahay diiday inuu ku dhaco.

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter