Shacabka Degmada Garadag oo Soo Dhaweeyey Murrashaxa KULMIYE iyo Weftigiisa, Geedka Taariikhiga ahna Ku Qaabilay.

Garadag(GNN):-Shacabweynaha ku dhaqan degmada Garadag ee gobolka Sanaag, ayaa si ballaadhan usoo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey hawlo shaqo ku marayey gobolka Sanaag.
Kumanaan ka tirsan shacabka degmada degmada Garadag oo ay hormood u yihiin maamulka degmada ee xisbiga iyo xukuumadda. Xildhibaanno, salaadiin iyo cuqaal, isla markaana lulaya caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa kaga horyimi goob ka baxsan magaalada subaxii hore ee saaka, waxana weftiga loo galbiyey geedka caanka ah ee Garadag oo si farshaxanimo leh loogu nashqadeeyey astaanka xisbiga KULMIYE.

20770498_460250234338701_6304754871932956517_n.jpg 20800088_460379857659072_4023164979259151226_n 20800170_460379447659113_388081453059985187_n 20840639_460379567659101_7469071115528119857_n
Hormoodka, waxgaradka, salaadiinta, siyaasiyiinta iyo haldoorka bulshada degmada Garadag, ayaa shacabkii sida weyn usoo dhaweeyey guddoomiyaha iyo weftigiisa halkaas uga jeediyey hadallo ay ku muujinayaan sida shacabka degmadu u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa, waxana ay ku dheeraadeen xidhiidhka ma guuraanka ah ee xisbiga KULMIYE la leeyahay shacabka deegaanka.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo bulshada degmada Garadag khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey, ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran iyo kalgacaylka lagu qaabilay, waxana uu ku bogaadiyey taageerada luxdan ee ay xisbiga u muujiyeen.