Shacabka Magaalada Ceerigaabo Oo Soo Dhawayn Balaadhan Ku Qaabilay Murashax Muuse Biixi Iyo Wefti Uu Hogaaminayo+Sawiro

Ceerigaabo(GNN):-Shacabweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa si aan kala go’ lahayn usoo dhaweeyey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo ku maraya deegaanno badan oo kamid ah bariga dalka.

Weftiga oo kasoo kicitimay degmada Fiqi-fuliye oo ay xalay u u hoydeen, ayaa lagaga horyimi goob ka baxsan magaalada, waxana kumanaan shacab ah oo noocyada kala duwan ee

gaadiidka wataa usoo gelbiyeen xarunta xisbigu ku leeyahay magaalada Ceerigaabo, halkaas oo xubno badan oo weftiga kamid ah, siyaasiyiin, waxgarad, cuqaal iyo salaadiin tiro badani kala hadleen.

Shacabweynaha reer Ceerigaabo oo ay wejiyadooda ka muuqato farxad ballaadhani, ayaa si kal iyo laab ah u qaabilay Murrashaxa iyo weftigiisa iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin iyo saraakiil kale, waxana iyaga oo lulaya caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE ay muujiyeen sida taageerada buuxda ugu hayaan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisaba, taas oo waxqabad tiro badan ka fulisay guud ahaanba dalka, gaar ahaanna gobolka Sanaag.

Murrashaxa iyo wefigiisa oo lagu gelibinayo gaadiid tiro badan oo uu calanka xisbiga KULMIYE ka babanayo, ayaa markii dambe loo galbiyey xarunta xisbiga KULMIYE ee magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ay soo buux dhaafiyeen kumanaan kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo oo isugu jira, haween, waayeel, cuqaal iyo dhallinyaro.

Haldoorka, waxgaradka, cuqaasha, salaadiinta iyo siyaasiyiinta gobolka Sanaag oo safka hore kaga jirey soo dhaweynta wefiga murrashax Muuse Biixi Cabdi oo madasha ka hadlay, ayaa shacabka reer Ceerigaabo ku ammaanay sida aan kala hadhka lahayn ee ay soo dhaweynta uga qayb qaateen, waxana ay weftiga ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan sidii ay bulshada gobolka Sanaag ugu wacyigelin lahaayeen inay qaataan kaadhadhka cod-bixinta.

Xubno wasiirro iyo wasiir-ku-xigeenno isugu jira oo xukuumadda katirsan oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna shacabka gobolka Sanaag si guud ugu guubaabiyey inay si buuxda u qaataan kaadhadhka codbixinta, iyaga oo sidoo kale ku adkeeyey inay maanka ku hayaan waxqabadka xukuumadda KULMIYE ka fulisay gobolka, isla markaana uu waxqabadkaasi yahay halbeeg muuqda oo lagu qiimayn karo dedaalka xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayntii halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu bogaadiyey shacabka reer Ceerigaabo soo dhaweynta qiimaha leh ee ay ku qaabileen isaga iyo weftigiisa iyo kalcaylka ay u muujiyeen, waxana uu ku dheeraaday qorsheyaasha xisbigiisa uga meel yaalla sidii loo horumarin lahaa khayraadka dabiicigi ah ee gobolka Sanaag caanka ku yahay, kuwaas oo ay kamid yihiin xabkaha, faleenka iyo weliba xoolaha nooli.