Somaliland Oo Markii ugu Horeysay Laga Daah Furay Warshada Casriga Ah ee ‘LIS’ Oo Soosaaraysa Afar Nooc Oo Caanaha Kala Duwan Ah, iyo Doorkay Ay Ka Qaadanayso Hal-abuurka Shaqada iyo Ganacsiga Dalka.

Hargeisa(GNN):- Waxaa Markii ugu Horeysay Dalka Somaliland Laga Hirgaliyey Warshad Nooceedu Ku Cusub yahay Dalka Oo Soosaaraysa Noocyo kala duwan oo caanaha ah, Waxaana Warshadan Oo Magaceedu yahay LIS lagu qabtay Munaasibad Lagu Daahfurayey Gudaha Caasimada Hargeisa,

IMG_0136

Warshadan Oo Qayb Ka noqonaysa Shirkada GSK oo Hore Dalka Somaliland ugu Hirgalisay Hal-abuur ganacsi noocan oo kale ah sida Warshada SBI cocacola Ee lagaga Raystay Sharaabkii Ka Iman Jiray dalka Dibadiisa iyo Sidoo Kale Warshada Biyaha ee Dansani, Ayaa dalka kusoo Kordhisay Warshadan Cusub Ee Magaceedu yahay Lis, Waxaana Sida Masuuliyiinta Hirgaliyey Fikirkan Gacansi sheegeen ay soosaari doontaa warshadani noocyo kala duwan oo sharaabka ah oo kala ah Mushakal,caano Starwberry,Caano Muus iyo Caano Saafi ah kuwaas oo ay shegeen in ay  tayadoodu aad u wanaagsan tahay.

IMG_0134

Munaasibada Daahfurka Xafladan Oo Si Heersare Ah Loosoo Agaasimay Ayaa Waxaa Kasoo Qaybgalay Xubno Wasiiro ah Oo Kala duwan Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland, Wasiirka Wasaarada Warshadaha, iyo Hawlaha guud sidoo kale Waxaa Iyaguna kasoo Qaybgalay Drs Adna Aadan Ismaaciil, Maamulaha Guud ee Shirkada SBI   Mustafe Geele

IMG_0151IMG_0168

Ugu Horeyn Waxaa Halkaasi kasoo jeediyey Madaxa Suuq gaynta ee Shirkada SBI Maxamed Naasir  Oo Ka Waramay Aas-aaska Warshadan Caanaha Soosaaraysa ee Lis iyo Maraaxilkii Kala Duwanaa ee Ay Soo Martay iyo Faaiidooyinka Ay Jidhka U leeyihiin.

“LIS Dairies waxa ay ka mid tahay shirkaddaha ku jira dallada GSK Group waxaanan ku faraxsanahay furitaanka Caanaha LIS waana shirkadii ugu horaysay ee samaysay caano warshadaysan oo laga soo saaray Somaliland,waxaanan halkan ka sheegayaa in Caanaha LIS Tayadoodu wanaagsan tahay lana hubo oo loo raacayi xeerka caalamku isticmaalo.

Madaxa suuqaynta shirkadda SBI oo hadalkiisa siiwata ayaa ka shekeeyay noocyadda ay ka kooban yihiin caanaha LIS ee ay soo saarto shirkadda SBI iyo faa’idooyinka ay leeyihiin waxaana uu yidhi.

“caanaha ay shirkadu soo saarto waxa ay ka kooban yihiin afar nooc oo aad u macaan cabi taankooduna yahay 200 ml taas ayaynu maanta halkan ku daah-furaynaa waxaana ay kala yihiin,Caano saafi ah,caano strawberry,caano Muus iyo caano shukulaato,caanaha LIS waxa ku jira faytamiinadda A&D waxayna ka kooban yihiin macdano dhamaystiran,noocyaddan kala gadisan ee dhadhankoodu heerka sare yahay waxa loogu tallo galay in ay macaamiisho hore ka qataan.sidaas ayaa uu yidhi Madaxa Suuqaynta Shirkadda SBI

Geesta kale Mustafe Cismaan geelle mareeyaha guud ee shirkadda SBI ayaa sheegay in shirkadu markasta u taagan tahay sidii ay u horumarin lahayd in ay bulshadoodu wax u soo saarto kuwaas oo ay ugu horeeyaan adeegyo fiican oo bulshadda wax tar u leh.

“Markasta waxaanu heegan ugu jirnaa inaanu bulshadda u soo saarno wax qanciya oo ah hamigayaga ugu wayn,waxaad la socoteen inaanu soo saarnay sharaab,waxaa ku xigay biyo maantana caano tayo wanaagsan leh ayaanu soo saaraynaa kaas oo waliba waddankaaga laguugu sameeyay.sidaas ayaa uu yidhi maamulaha guud ee shirkadda SBI

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri ayaa ku amaanay shirkadda SBI Dadaalka dheer ee ay galisay in ay bulshadeeda waxa u soo saarto waxaana uu tilmaamay in ay marba marka ka danbaysay ay samaynayaan kor u kac bulshadda u faa’ido ah.

Capture

Wasiir Ku Xigeenka Hawlaha Guud ayaa isna tilmaamay inuu ka mid yahay siyaasiyiinta ay shirkadda SBI Soo saartay isla markaasna ay tahay shirkad bulshadda Somaliland wax badan ku soo kordhisay oo ummadu mahadisay.

Marwo Adna Aadan ismaaciil ayaa iyaduna dhankeeda tilmaamtay iyadda oo adeegsanaysa xirfadeeda caafimaad in caanaha LIS ay bulshadda ku rayn doonto waxaana ay bayaamisay in loo baahan yahay in bulshadu qiimeyeen wixii dalkooda ka soo baxay iibsadaana caanaha LIS.

“Caanahan LIS Markaan eegay waxa ay ka mid yihiin caanaha ugu wanagsan,waxaan eegay tayadooda iyo faytamiinka ay ka samaysan yihiin waxaana halkaas ka muuqata in shirkadu dhankasta ka dadaashay oo ay waliba ku dhiiratay in ay bulshadoodu u soo saran caano tayo leh iyo waliba adeeg wanaagsan.

Gaba-Gabadii Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse Iyo Wasiirka Ganacsiga Oo Madasha lagu daah-furayay caanaha LIS ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadu muhiimadda koobaad siinayso shirkaddaha waddanka wax ku soo kordhiyay iyaga oo shirkadda SBI ku amaanay dadaalka ay ugu jirto in ay umadeeda wax tayo leh u soo saarto.

aassdd

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan Odhaahdii Masuuliyiinta.