Somaliland: Wasaaradihii Wasiirradii ugu Badnaa soo Mareen Xukuumadda Siilaanyo

Toddobadii sannadood ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka haysay, waxa uu Golihiisa Wasiirrada ku sameeyay isku shaandheyn badan, waxay wasaaradaha qaar ay marayaan Wasiirkii shanaad ama lixaad.
Saddex Wasiir ayaanu madaxweynaha Somaliland taaban oo wali baaqi ku sii ah wasaaradihii loo magacaabay 2010-kii, waxaanay kala yihiin Wasiirrada Macdanta, Gaashaan-dhiga iyo Diinta iyo Aw qaafta, Xuseen Cabdi Ducaale, Axmed Xaaji Cali Caddami iyo Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.
Isku-shaandhaynta xad-dhaafka ah ee lagu sameeyay wasiirradu inay shaqada iyo adeegga dawladeed wanaajisay iyo inay ragaadisay, waa mid aragti ahaan lagu kala duwan yahay, waana hawl qiimaynteedu u taallo dawladda.
Waxase aan jeclaystay inaan dib isu xasuusino 12 wasaaradood oo wasiirradii ugu badnaa soo mareen intii ay xilka haysay xukuumadda KULMIYE. Waana sidan:

1. Wasaaradda Maaliyadda: Saddex Wasiir
Maxamed Xaashi Cilmi, Cabdicasiis Maxamed Samaalle, Samsam Cabdi Aadan.
2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Afar Wasiir
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Maxamed Nuur Caraalle (Duur), Cali Maxamed Waran-cadde, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).
3. Wasaaradda Waxbarashadda: Saddex Wasiir
Samsam Cabdi Aadan, Faarax Cilmi Geedoole, Cabdilaahi Ibraahim Habane.
4. Wasaaradda Caafimaadka: Laba Wasiir
Dr. Xuseen Muxumed Maxamed iyo Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye).

5. Wasaaradda Ganacsiga: Shan Wasiir
Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Dr. Muuse Qaasim, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Dayr) iyo Dr. Cumar Shucayb.
6. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha: Afar Wasiir
Dr. Axmed Xaashi Oday, Alle ha u naxariistee Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Cumar Sh. Maxamed Faarax, iyo Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).
7. Wasaaradda Arrimaha Dibadda: Saddex Wasiir
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Maxamed Biixi Yoonis iyo Dr. Sacad Cali Shirre.
8. Wasaaradda Warfaafinta: Lix Wasiir
Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Axmed Cabdi Xaabsade, Boobe Yuusuf Ducaale, Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad), Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani).
9. Wasaaradda Qorshaynta Qaranka: Saddex Wasiir
Dr. Sacad Cali Shire, Cali Ismaaciil Xuseen (Cali Shoombe) iyo Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo).

10. Wasaaradda Beeraha: Laba Wasiir
Faarax Cilmi Geedoolle iyo Dr. Maxamed Daahir
11. Hawlaha Guud iyo Guriyaynta: Afar Wasiir
Xuseen Axmed Caydiid, Prof. Ismaaciil Muumin Aar, Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan).
12. Wasaaradda Caddaalada: Saddex Wasiir.

Prof. Ismaaciil Muumin Aar, Xuseen Axmed Caydiid iyo Axmed Faarax Caddare.

W/Q:- Cumar Faarax