Dhulgariir aad u culus oo ka dhacay dalka Mexico

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 7.1 ayaa ku dhuftey dalka Meksiko duhurnimadii Salaasada xiliga dalka Meksiko ee bartamaha Ameerika. Boqolaal qof ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen dhulgariirka, ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey dad ka badan 220 qof, waxaana kor u sii kacaya tirada dadka waxyeeladu soo gaartey.

Ciidamada Mileteriga iyo Booliska ayaa ka qayb qaadanaya badbaadinta dadka, ay ku soo dumeen guryuhu ee ku  xabaalmay. Dhismayaasha ku burburay caasimadda dalka Mexico waxaa ku jiray dabaqyada dhaadheer ee la degan yahay, Dugsiyo, wershedo iyo goobaha laga dukaamaysto.

Hay’adda badbaada dalka Meksiko ayaa sheegtey in iskool soo dumey ay ku geeriyoodeen caruur gaareysa 21.

Waa dhulgariirkii labaad ee Meksiko ku dhufta muddo bil gudaheed ah.