Ma Dhabbaa In Siyaasi Mukhtaar Jibriil Loo Magacaabayo Kaambaynarka Xisbiga Kulmiye

Gabiley(GNN)-Iyada oo ay kaabiga soo saaran tahay Doorashadii Madaxtooyada oo ay ka hadhsan tahay mudo Laba Bilood iyo dhawr, isla markaana Ay bilaabmeen Kaambaynadii lagu kala kasbanayay Shacabka Somaliland oo Xisbi Kastaaba Awooda Saarayo hadba sida taageerada Deegaanada loo kala heli lahaa, sidoo kalena lagu hirdamayo, Cododka Dadwaynaha ee Xilliga Doorashada Madaxtooyada, ayaa sida ay Xogo ka ag-dhaw Xisbi Xaakimka Kulmiye ay sheegayaan in Kaambaynarka Gobolka Gabiley ee Xisibi Xaakimka kulmiye loo hadal hayo Mukhtaar Jibriil Muuse oo ka mid ah Siyaasiyiinta Miisanka culus ku leh Gobolka Gabiley, in badana ku soo jiray Giraamaha Siyaasadeed ee Dalka.

0

Sida ay sheegayaan Illo-Wareedyo si wayn loogu kalsoon yahay oo ka soo baxaya Xisbiga Kulmiye ee Heer qaran ayaa sheegaya in hadal-haynta Shakhsiyada Mukhtaar Jibriil Muuse laga hadal hayo Xarunta guud ee Xisbiga Kulmiye, kaasi oo loo saadaalinayo iyo warqada Magacaabistiisu todobaadkan gudihiisa soo baxayso, Waxaanay Illo-Wareedyadaasi ku darayaan in Ay Mukhtaar Jibriil Muuse iyo Murashaxa Jagada Madaxwaynenimada Xisbiga Kulmiye ay kulan gaar ah ku wada yeesheen Magaalada Gabiley, kaasi oo Albaabadu u xidhnaayeen, Isaga iyo Gudoomiyaha Xisbigu Xilligii uu Ku Sugnaa Magaalada Gabiley badhtamihii Todobaadkii hore.

Isku soo wada duuboo, Hadal-Haynta Magacaabistani la filayo, inay Todobaadkan soo baxdo ayaa loo saadaalinaya Siyaasigani, In ay Noqon doonto sida Saadaashadayadu Sheegayso iyo Inay ka duwanaataaba waa Wax dhici kara ee bal aynu dhawrno Illaa Khamiista hadii Alle Idmo.

 

Gabiley.net (575)