Madaxda Shirkadda DP World Oo Ganafka Ku Dhufatay Qoddobo Madaxweyne Siilaanyo U Dhiibay Ergo Wasiiro Ah.

Hargeisa(GNN):- Shirkadda DP World, ayaa ganafka ku dhuffatay qaraar Xukuumadda Somaliland rabtay inay kusoo af-jarto muranka iyo khilaafka ka dhex aloosmay todobaadkan ganacsatada iyo maamulka Shirkadda DP World ee Berbera. Khilaafkan hadda ee labada dhinac oo si rasmi ah usoo shaac-baxay Axaddii Doraad, kaddib markii maamulka Shirkadda DP World Berbera usoo saaray amaro cusub oo ku wajahan ganacsatada iyo mukhalisiinta hawlaha shaqo ka wada gudaha dekedda.

Go’aannadaas oo u kamid yahay mid faraya dadka shaqooyinka ka leh gudaha Dekedda, in ka hor gelitaanka Dekedda ay ku lebistaan Koofiyaddaha Birta ah, kabaha qadha ah iyo shaayaddaha Iffa Habeenkii, isla markaana aanay geli Karin Dekedda ciddii aan qalabkaa ku lebisnayn. Hase-yeeshee go’aanka waxa gaashaanka u daruuray ganacsatada oo aan kala hadhin iyo sidoo kale mukhallasiinta ka shaqeystaa Badeecaddaha ay kasoo saran, sidaas darteed waxay joojiyeen gabi-ahaanba hawlihii shaqo ee Dekedda.

Mashaqadaasi markii ay dhacday Axaddii doraad waxa fadhi deg-deg ah arrinkaa ka yeeshay golaha Xukuumadda, fadhigaas oo sida Wargeyska Yool u sheegeen ilo ku dhow-dhow Madaxtooyadda, waxa intii uu socday lagu falan-qeeyey muranka aan kala go’a lahayn ee ka taagan Dekedda Berbera, iyadoo sidda illuhuu tibbaaxeen intii kulanka lagu jiray xubno ka tirsan golaha Wasiiraddu ka gacan taagteen in lagu darro ergada xal-u-helida muranka u dhexeeya ganacsatada iyo Shirkadda DP World Berbera, waxana xogguhuu intaa ku darreen in xubnaha Wasiiradda ah ee ka cudur-daartay in lagu daro waftiga Xukuumaddu u dirayso Berbera qaarkood ay dalka joogan halka kuwo kalena ku sugan yihiin Su’uudi Arabiya.

Hase-yeeshee sida Wararka arrinkan la xidhiidha xuseen, waxa Madaxweyne Axmed Siilaanyo xal-u-helida arrinkaa u xulay una xil saaray Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexan) iyo wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye, inkastoo sida illaha qaarkood tibaaxayaan in Madaxweyne Siilaanyo xubnahan wasiiradda ah dhiibay go’aan madaxtooyadda ka yimmi, kaasoo sidda la sheegay ujeedkiisa ugu wayni ahaa in maamulka Shirkadda Dp World ee iyaggu hadda gacanta ku haya maamulka Dekedda Berbera inay gabi-ahaanba ka noqdaan go’aankii khilaafka dhaliyey, halka xoggaha qaarna sheegayan in go’aanka Madaxweynuhuu ahaa labada, mid waa kan sheegaya in shirkaddu ka laabato go’aankeedda kan kalena sida la sheegay waxa uu ahaa mid Madaxweynuhuu kula hadlaayey

maamulka Shirkadda DP World, isla markaana ku xasuusinaayey ujeedkii laga lahaa heshiiskii Somaliland iyo Shirkadda DP World, sida xoggaha Wargeysku helay tilmaameen fariintii waftigu ka sidday Madaxweynaha waxa ganafku dhuftay maamulka Shirkadda DP World, oo sida Wararku xuseen iyaggu ku doodaya inay shaqadoodii haystaan, sida awgeedna aanay diyaar u ahayn talooyin ka baxsan awaamiirta Shirkadda.

Xigasho Yool