Wafti Isugu Jira Madaxda Ismaamulka Dawlad Deegaanka Qoomiyada Oromiya Iyo Suldaanka Guud Ee Oromada Oo Ku Soo Wajahan Somaliland Iyo Ujeedka Socdaalkooda.

Hargeisa(GNN):-Wafti balaadhan oo isugu jira masdaxda ismaamulka qoomiyadda Oromada iyo salaadiin uu kamid yahay suldaanka guud ee Qoomiyadda Oromada ayaa kusoo waajahan Somaliland gaar ahaana caasimada Hargeysa.

 

Waxaana socdaalkani uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee madaxda ismaamulka Oromada ku yimaadaan caasimada Hargeysa,waxaana ujeedada socdaalkoodani daaran tahay dajinta colaadaha ka dhex qarxay dadka Oromada iyo shicibka Somaliland ee lagu dilay magaalada Haawaday ee ismaamulka Oromada,waxaana ay waftigani si toos ah ula kulmayaan marka ay Hargeysa yimaadaan madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”,madaxda dhaqanka Somaliland iyo Masuuliyiin kale.

wararka arrintan la xidhiidha oo kasoo baxaya socdaalka waftigan kusoo waajahan Somaliland ayaa waxa la sheegay in ay qayb ka yihiin wasiiro ka tirsan ismaamulka Oromiya iyo salaadiinta qoomiyadda Oromada kuwaas oo u imanay sidii ay xukumadda Somaliland ugala hadli lahaayeen dadkii reer Somaliland ee ku dhintay magaalada Haawaday ee ay qoomiyadda Oromadu sida arxan darada ah u laayeen iyo sidii ay shacabka Somaliland mag dhaw iyo raali galin buuxda uga siin lahaayen dadkii reer Somaliland ee lagu dilay Haawaday,waxaana la filayaa in xukuumadda Somaliland ay ku wareejin doonaan magtii dadkii dhalasho ahaan kasoo jeeday Somaliland ee lagu laayay Itoobiya.

Waftigan ka socda ismaamulka Oromiya ee Itoobiya ayaa waxa la filayaa in ay dhawaan yimaadaan magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.