Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Oo Bilaabay Qorsheyaal Lagu Ilaalinayo Hantida Qaranka iyo Isbedelo Lagu Sameeyey hawlihii Shaqo ee Xafiiska.

Hargeisa(GNN):-Kadib Markii Dhawaan Uun Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Uu U Magacaabay Masuuliyiin Aqoon Iyo Khibrad Waayo Aragnimo u Leh Hawlaha Shaqo ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Ayaa Durba Waxaa Bilaabay Qorsheyaal Iyo Isbedelo laxaad Leh Oo lagu Soo Kordhiyey Shaqada Uu Qaranka u Qabto Xafiiskani.

Waxaana Hantidhawraha Guud ee Madaxweynaha Somaliland u Igmaday Hawshan Mudane Siciid Saleebaan Mire oo horena Usoo noqday Gudoomiyaha  Hay’ada Dhawrista Tayada Somaliland Ayaa Is Bedelweyn oo Dhinaca Shaqada Ah Kusoo Kordhiyey Xafiiska Mudadii uu Joogay, Waxaana Dhamman Shaqaalaha hantidhawrka Kulamo kala duwan oo si wada jir ah uu ula Yeeshay Laysla Qaatay in Si isku Duubni Ah Looga Wada hawlgalo Shaqada Ilaalinta Hantida  Qaranka, iyadoo kooxo kala duwan loo wada diray baadhiso lagu sameeyey dhammaan Xarumaha iyo Xafiisyada Qaranka Somaliland.

Sidoo Kale Agaasimaha Guud ee Hantidhawrka Mudane Axmed Xaashi Cilmi Oo Madaxweynaha Somaliland Dhawaan Magacaabay  Ahna Aqoonyahan Khibrad iyo Waayo Aragnimo u leh Shaqada Hantidhawrista Ayaa Iska Kaashanaya Sidii Loo Ilaalin Lahaa Hantida Qaranka Somaliland Mudada Kooban ee ka Hadhay Doorashada Madaxtinimada inagu Soo Foolka Leh.

Waxaana Agaasimaha Guud ee Hay’ada Hantidhawrka U hirgalay Mudadii Uu Joogay Inuu Sameeyo Nidaam cusub Oo Lagu Dhisayo Waaxyaha Kala Duwan ee Haayada Hantidhawrka Qaranka, Waaxyahaasi kala duwan oo loo sameeyey Madax qaybeed loo xilsaaray shaqo gaar ah islamarkaana lagula xisaabtamo.

Waxaana Bilihii u Danbeeyey Hay’ada Hantidhawrka Guud Oo ka duulaysa Sugida iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ay Tiro koobyo iyo Dabagal lagu Sameeyey Dhamaan Hay’ada iyo Wasaaradaha Qaranka Somaliland Gaadiidka Kala Duwan ee Ay isticmaalaan, Waxaana Masuul kasta iyo haayad kasta oo lagu arko in gaadiidka u shaqeeya xafiiskaasi aanu lahayn kuna xidhnayn lanbarka baabuurta Dawlada laga furayey laguna amrayey in sida ugu dhakhsaha badan loogu xidho bilaydh numberka GT ee dawlada, Waxaana intii qorshahaasi socoday lagu guulaystay in Gaadiidkii aan lahayn numrka GTga lagu xidho lagana furo numeradii kuwa shacabka ahaa.

Qorshahan Cusub ee Dhawaaan Uun Ka Jaan qaaday Xafiiska hantidhawrka qaranka ayaa Salka Ku Haya Digreetooyin iyo amaro madaxweynaha qaranka Somaliland ku amray in haayada hantidhawrka qaranka Somaliland Si firfircoon uga hawlgasho ilaalinta hantida qaranka Somaliland, Taas oo lagaga hortagayo.