Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Oo Dhaqdhaqaaqyo Xoogan Caawa Ka Wada Magaalada Hargeisa

Halkan Hoose Ka Daawo Qaybo kamida Muuqaalada Caawa Xisbiga Kulmiye Kusoo Bandhigayo Damaashaadka Maalinta Barrito ah Ay iskugu Soo Bixi Doonaan Taageerayaasha Xisbigu.

Hargeisa(GNN):- Iyadoo Maanta Uu Ka Bilaabmay Guud Ahaanba Dalka Tartanka Ololasha Saddexda Xisbi Qaran ee Ku Loolamaya Guusha Doorshada Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenka ee lagu Waddo Inay Dalka ka Qabsoonto 13 bisha Noveber, waxaan maanta Ololaha ibo furay oo Bilaabay Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ee Ucid Si Waafiya Guud Ahaan Gobolada iyo Degmooyinka.

Haddaba Iyadoo Maalinta Barrito ah Uu u Leeyahay Kaltanka Ololaha Doorshada Xisbiga Muxaafidka Ah ee Kulmiye Ayaa Caawa Gudaha Magaalada hargeisa laga Dareemayaa Dhaqdhaqaaaqyo Xoogan Oo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ka Bilaabeenba Caawa Gudaha Magaalada. Gaadiidka iyo Baabuurta Ayaa waxa kuu muuqanaysa Calamaan iyo Astaanta u gaarka Ah Xisbiga Kulmiye Oo Si xoogan looga lulay qaarna loogu xardhay istiikaro ay ku qoran yihiin halkudhigyo iyo sawirada musharaxiintiisa.

Sidoo kale  Waxaa Buuq iyo Sawaxan Music ah Uu Ka Baxayaa Xafiisyada kala duwan ee xisbigu ku leeyahay xaafadaha magaalada hargeisa.

Waxaa iyana ilaa Wakhtigan Mashquul ah Xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye Oo Ah Xarunta ay Ka Shidaal Qaadanayaan Xafiisyada kala Duwan ee Ku yaala Gobolada iyo Degmooyinka Dalku.

Waxaana Xafiiskasta Oo Xisbiga Kulmiye Ku Leeyahay Degmooyinka iyo Xaafadaha Magaalada Hargeisa Caawa Ka Socoda Dabaal Deg Laxaad Leh Waxaana La Maqlayaa dhawaqa Codka Rashka Lagu isticmaalo Fantasiyaha iyo damaashaadka Munaasibadaha,

Si kastabaha ha ahaatee Xaraarada Kaanbaynkani Uu Ku Bilaaabmay ayaad mooda in ay tahay mid ka duwan kuwii hore marka loo eego xamaasada iyo loolanka ka dhexeeya asxaabta tartanka ku jirta.

Waxaana Labada Cisho ee Inagu Soo Foolka Leh Maalinta Barrito ah iyo Sahadanbe la eegi doonaa Sida Ay Cududooda u Muujiyaan Labada Xisbi ee Kala Ah Kulmiye Iyo Waddani.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA LAAMIYADA HARGEISA CAAWA.