XIRSI Oo Marin-habaabiyey Ajandaha Uu Xisbiga WADDANI Ku Gelayo Ololaha Doorashada.

“Masuuliyiinta WADDANI kuma dhacaan inay Xukuumadda dhaliilaan, laakiin KULMIYE..” !!.Halkan Hoose Ka Akhriso Warbixin Faahfaahsan.

 Hargeisa(GNN) – Muddo ku Siman 7 Sano Oo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Talada Dalka Haysay waxaa Shaqsi kasta oo Reer Somaliland Ah oo Qaangaadh ahi uu si fiican u bartay Magaca Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana ay xaqiiqadu tahay in uu la kacaamay uun xukuumaddii dhalatay wakhtigaa ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo soo dhisay.

laakiin, Muu ahayn Xirsi Shaqsi ku jiray ama hore fagaraayaasha siyaasadda loogu arkay wixii ka horreeyay guushii Madaxweyne Siilaanyo ee keentay inuu Kursiga ku Fadhiisto, taasi oo macnaheedu yahay inaan  Xirsi Cali Xaaji Xasan aanu door ku lahayn Dedaalladii KULMIYE ku hantay Doorashada oo aanu hal Maalin Fagaare ka odhanin KULMIYE DOORTA.

Madaxweyne Axmed-siilaanyo Xukuumaddii uu soo dhisay waxa uu Xirsi uga Magacaabay Xil lagu Magacaabay (Chief Of Capinet), kaasi oo hadal-hayntiisu badatay, laakiin markii dambe ayuu Madaxweynuhu u Magacaabay Wasiirka Madaxtooyada, xilkaasi oo ahaa kii uu muddada dheer yahay, Dadkuna ku barteen shaqsiyaddiisa dhabta ah.

Maxay Shacabku ka Dhaxleen Hadaba Xilkaa Wasiirka Madaxtooyada ee Loo magacaabay ?

Cabashada Danyarta, Ku Tumashada Awoodihii Sharci ee Dalka iyo Ku Takrifalka Xoolihii ummaddu Waxay noqotay mid aanu u Aabo yeelin, isagoo markaa ka Faa’iideysanaya Shaadhkii Madaxweynaha Qaranka oo wakhtigaa uu isku Arkayey Inuu yahay Qofka keliya ee Xidhan Dalkana Ku maamulo, isagoon ixtiraamayn Madaxweynaha aaminay.

Hanti badan oo uu urursaday muddadaa uu Awoodda Madaxweynaha adeegsanayey, wuxuu isku arkay inuu yahay Siyaasiga ugu Aragtida fog ee ugu macquulsan hoggaaminta dalka, Waxaana Damaciisu siiyey inuu Tartartan u galo sidii uu u Noqon Lahaa Musharax Xisbiga Kulmiye, Kadib Markii Fikirka Noocaas Ahi Noqday Mid u Meelmari Waaya, Waxa Uu Qorsheeyey inuu kooxo Ka Dhex abuurto Golaha Xukuumadda, Haddii ay tahay Xubno wasiirro ah iyo agaasimayaalba, Waayo Waxaa uu ahaa Masuulku ugu awoodda badan ee badiba maamulka xukuumada majaraha u hayey, Waxaa uu bartilmaameed Ka Dhigtay Shaqsi kasta Xilka uu Doono Ha Hayee. Haddii uu u arko in aanu Ka amar qaadanaynin inuu dagaal Qarsoon la galo sidii uu xilka uga tuuri lahaa, Kuma Koobnayn Oo kaliyaata Golaha wasiirada ee xataa waxay gaadhay inuu la galo dagaal taliyayaasha ciidamada kala duwan, gaar ahaan kuwa aan ka amar qaadan oo qaarkood isaga iyo xulafo kale oo isu bahaystay ka shaqeeyeen inay been abuuraan si Xilka looga qaado, taasi oo marmarka qaarkood u hirgashay.

Hadaba, Duufaanta Siyaasadda iyo isbedellada Danaha Shaqsiga ahi Waxay Noqontay Mid Delow Dheer ka Tuurta, iyadoo Dhaxalsiisay Inuu Hadhcad Xukuumaddii uu Raysal Wasaaraha Dahsoon ka Ahaa Ka Dhaqaaqo, isaga iyo Kooxdii uu Mabd’a Khaldan ka Dhaadhiciyey oo Badankoodu Markii danbe Wax badan Fahmay.

Waxaana uu Markaa Ka Biyo Diiday Go’aan Madaxweynuhu Ka Soo saaray in Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee  5ta sano Ka danbeeyaa  uu Yahay Muuse Biixi Cabdi.

Sidaasi awgeed, Laga bilaabo Maalintaa uu ka dhaqaaqay Xilkii Wasiirnimo Ilaa Maanta wuxuu ku Jiraa Loolan iyo Tartan ka Dhan Ah Xisbiga Kulmiye.

Bal u fiirso,  isagu muu ahayn Musharrax Markii ay ku dhawaaqeeyn isbedel-doonka Kulmiye,  laakiin waxaa hamigiisu ahaa Sida Ila Xogogaal Ahi Sheegeen in  Isagoo Xirsi ah Inta uu Saddexdii Musharax ee Sacad Muuse Wakhtigaa Jagada isku Haystay Oo kala Ahaa Muuse Biixi Cabdi, Maxamed  Biixi Yoonis, iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale Inta uu ka dhex shaqeeyo isku dirkooda iyo sidii uu iskugu garaaci lahaa isagu uu noqdo qofka ka dhex qaada kubadda saddexdoodaba ee banaysta Jagada Musharaxnimo. laakiin Qorshahaasi wuxuu noqday bar kuma-taal.

 

Tallaabooyinkaa is xig-xigay waxay gayeysiiyeen In Siyaasiyiintii ay isku Mabda’a ahaayeen Goob Cidlo ah kaga Dhaqaaqaan markii ay ka Warkeeneen in Xirsi yahay Qofka u kala dab-qaadaya ee ka shaqeynaya inay kala fogaadaan, taas oo markii danbe salka u dhigtay inuu dhex fadhiisto xafiis madhan oo miis iyo kursi kaliyaati yaalo oo xarunta  xisbiga waddani afaafka laga galo ku yaalla, isagoo Cirro kula heshiiyey inuu noqdo Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI (Xilkaasi oo xitaa sharciga Xisbiga ku jirin).

 Maxaa dhacay wixii intaa ka dambeeyay ?

Hoggaamiye Xirsi oo ka Duulaya Sidii loo Kala Fogayn lahaa Labada Beelood ee Walaalaha Beesha Habar Awal iyo Habarjeclo.

Waxaa uu Dhaabad uga Dhigay ololaha Xisbiga Waddani in lagu galo Siyaasi kasta oo ka mid ihi Oo Khudbadeeya Aanu Si Toosa Waxba uga Sheegi Karin Madaxweyne Siilaanyo, Balse Bartilmaameedku yahay Xisbiga Kulmiye iyo musharrax Muuse Biixi, Sidii mar walba Loogu Raadin Lahaa Dhaliil iyo Sidii Loo kala Irdhayn Lahaa shacabka, taasina waata sababtay in Siyaasiyiinta uu ka midka yahay Abiib Timcad iyo Rag Kale oo La Xulafo Ahaa Marwalba Ay halhays uga dhigteen Cayda iyo Aflagaadada Muuse Biixi Cabdi.

Waxaynu ognahay In masuuliyada dalka Cidda Lagala Xisaabtamayaa ay tahay Madaxweynaha Shacabku Doortay ee Talada Dalka Haya iyo Xukuumaddiisa. laakiin Xirsi iyo Xubnaha kale ee Xisbiga WADDANI lama hayo iyagoo ku eedaynaya Xukuumadda Musuqmaasuqa ay sheegaan, halka ay eedahaasi la doontaan Musharrax Muuse Biixi, taasi oo ka dhigan in Shacabka oo indhahooda iyo Dhegahoodaba qaba, haddana la majaro habaabinayo oo laga dhigayo in khalad kasta oo Xukuumadda ka dhacay uu KULMIYE iyo Muuse Biixi masuul ka yihiin.

 

Akhristeyaal, Haddaad ila socotaan Xisbiga WADDANI maaha ka iska leh Ajandaha ah in Xisbigaasi uu dhaliisha Xukuumadda u weeciyo KULMIYE, ee waxa iska leh Xirsi oo og inuu qaybta ugu weyn ku leeyahay khaladaadka muuqda.

 

La soco Qayb kale

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network.

Axmed Almis.