Xisbiga Kulmiye Oo Soo Dhaweeyey Garabka Sahanka Guusha Ee Xisbiga Oo Ay Ku Bahoobeen Siyaasiyiin Miisaan Culus Leh

Hargeisa(GNN):-Xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey Garabka Sahanka Guusha KULMIYE oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin iyo aqoonyahanno miisaan leh oo ka soo digo-rogtay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Xaflad si heersare ah loo agaasimay oo ka qabsoontay Hargeysa maanta, kana qaybgaleen Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, Xildhibaanno ay ka mid yihiin Md. Siciid Cilmi Rooble iyo Ibraahim Jaamac Rayte, qaar ka mida safiirrada Somaliland u fadhiya waddamada dibada, siyaasiyiin, haween, garabka la soo dhaweynayey oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan golayaasha degaannada Caynaba iyo Buuhoodle, Xoghayayaal, xubno garabyada kala duwan ee WADDANI madax uga ahaa meelo kala duwan iyo qaar ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbigaasi iyo weliba saraakiil kale oo dhammaantood ka soo digo-rogtay xisbiga WADDANI iyo taageerayaashooda, waxaanna madasha laga jeediyey khudbado bogaadin iyo soo dhawayn u ah xooggaga cusub ee xisbiga ku soo biirtay, isla markaana lagu iftiimiyey inuu KULMIYE yahay xisbi aan la kala sheeganin, balse loo soo kala horreeyey.

Xubnaha Sahanka Guusha KULMIYE ee xisbiga WADDANI oo iyaguna hadallo halkaasi ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday siyaabihii ku kallifay inay ka baxaan xisbiga WADDANI, kuna biiraan KULMIYE, waxaanay sheegeen inay si wadajir ah u go’aansadeen inay codkooda iyo cuddudoodaba ku dhisaan xisbiga talada haya ee KULMIYE, kadib markii ay ka gun-gaadheen guuldarrada siyaasadeed ee xisbiga WADDANI.

“Annagu umaanu soo galin KULMIYE in aannu caddiyad iyo lacag ka xoogsanno, waxaannu u soo galnay markii aannu aragnay barmaamijkiisii hore ee uu waddanka wax ugu qabtay, markaannu akhrinay barmaamijkiisa cusub ee uu dalka ku dhammaystirayo waxqabadkiisa, markaannu aragnay mudnaanta iyo isku duubnaanta xisbiga KULMIYE, markaannu aragnay horumarka iyo hannaanka uu dalka u jeexay. Anigu waxaan ku ahaan jiray KULMIYE mucaarad oo weligay cod ma siin, laakiin maanta waxaan ku talogalay in aan codkayga siiyo KULMIYE oo weliba lacag ku doonimaayo ee aan anigu lacag ku bixiyo codkiisa, dhallinyarada waxaan leeyahay yaan yaan haadaan la idinka tuurin ee codkiina siiya KULMIYE.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Abokor Shide oo ahaa xildhibaankii ugu codka badnaa xisbiga WADDANI ee uga soo baxay degmada Caynaba.

Xil. Ibraahim Jaamac Rayte oo dhawaan ka soo digo-rogtay xisbiga WADDANI, ayaa ku soo dhaweeyey masuuliyiinta iyo siyaasiyiintan cusub ee ku soo biiray xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa uu tilmaamay in ay ku midaysanyihiin aragtida ay kaga yimaadeen xisbigaasi.

“Masuuliyiinta, xoghayayaasha iyo madaxda fara badan ee halkan maanta fadhiya oo ah laf-dhabartii xisbigii aannu ka wadatirsanayn ee WADDANI wax baanu wada arkaynay, wax baannu wada dhaliilsanayn, maanta waxaannu wada yaqiinsanay wixii aannu hore u wada dhaliilsanayn oo ah isbeddelkii iyo horumarkii aannu doonaynay in dalka laga sameeyo in aanay ka soo socon xisbiga WADDANI. Xisbiga keliya ee maanta rajadeennu ku jirtaa innagoo midaysan oo Somaliland ah waa KULMIYE,” ayuu yidhi Md. Rayte.

Sidoo kale, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isna dhawaan ku soo biiray KULMIYE, horena halgamaashii WADDANI u ahaa, ayaa xusay in dhibaato wayni soo wajahday xisbiga WADDANI, waxaannu yidhi, “Nimankii aad ogaydeen ee ka yaacay xukuumadda ee wasiirrada iyo ra’iisal-wasaarayaasha ahaa ee aad garanaysaan ayaa WADDANI ka talinaya, WADDANI sidaas ayuu ku khalkhalayaa, raggii aasaasay xisbiga WADDANI talada wax gacanta ugu jiraa ma jiro, intii aasaasayaasha xisbigaasi ka ahayd dhammaantood waxaad arki doontaan iyagoo inoo yimaada, waxaynu leenahay nimankaa xukuumaddii Somaliland khalkhalin gaadhay Ilaahay ka badbaadiyo WADDANI waynu u ducaynaynaaye.”

Safiirka Somaliland ee dalka Fiinlaand Marwo Saamiya Muuse iyo xubno kale oo ka mid ah kuwa ku soo biiray xisbiga KULMIYE iyo saraakiil kale oo khudbado ka jeediyey xafladda, ayaa ka hadlay cududda iyo taageerada garabkan cusub ku soo kordhinayaan xisbiga KULMIYE oo ay ku tilmaameen mid taabbogal ah.

Ugu dambayn, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku soo dhaweeyey KULMIYE masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta ka soo baxay xisbiga WADDANI, waxaannu ku wargeliyey inay la xuquuq yihiin kuwii hore u sii joogay, isla markaana aanay marnaba qariibnimo ka dareemi doonin, waxana uu yidhi, “Dhaqanka xisbiga KULMIYE ayaa ah in dadka ka tirsani ay xuquuq siman wada leeyihiin, taladiisa iyo arrinkiisana meel bay uga soo wada jeedaan, idinkuna qariib kuma tihidine shidhkaad saaran tihiin.”

“Xisbi siyaasi ah oo marka uu hadlayo ka hadli karila’ inuu soo bandhigo aqoon, cilmi iyo barmaamij, innagu arrimo iyo barmaamij ayeynu ka hadlaynaa ee caytami mayno,” ayuu yidhi Md. Maxamed Kaahin.