Xoghayaha Dawlada Hoose Hargeisa Masuul Hagar La’aan U Gutay Hawshii Loo Igmaday.

Hargeisa(GNN):- Qalinkaygu ka Reeban Eex,Qabiil iyo Qof Jeclaysi Dano Shaqsiya, Waxaase Doonayaa Inaan idinla Wadaago Waxa iska bedelay Shaqada Xafiiska Xoghayaha Dawlada hoose hargeisa,

Inta Aan Xasuusto Waxaa Xafiiskaasi Soo Maray Tiroba ilaa 6 Masuul oo Xilkaa Xoghayenimo Hore usoo qabtay.

Garashada, Hawlkarnimada, Dedaalka iyo Aqoonta Waa Sifooyin Noolaha Dadku Ku Kala Duwan Yahay kuna kala badan yahay, qofba Fandhaal uu eebe uga darayba.

Baaxada Shaqo Ee Xafiiska Dawlada Hoose Hargeisa Taalaa Maaha Mid Yar Run ahaantii Waayo Masuulka Xafiiskaasi Joogaa Ijiinka Ama Wadaha Shaqada ugu badan ee Kasocota Dawlada hoose.

Cali Xassan Cawaale Waa Xoghayaha Walkhti Xaadirkan Haya Masuuliyada Xafiiskaasi, Aqoonta Aan U leeyahay Waxaan bartay Dharaaro kooban oo Aan hawlo Shaqo u yeeshay Xafiiska Dawlada hoose ee Uu masuulka Ka Yahay, Da’a Ahaan maaha Qof Weyn oo Waa Da’aada Raggu ugu Kartida Badan yahay ee u dhaxaysa 30 jir ilaa 40 jir,

Aan Kusoo Koobo Saddex Qodob oo Igu Dhaliyey Inaan Qalin Ku Muujiyo Qormadana Igu kaliftay.

Mid Waan U Qushuucay,Midna Waan u Qiray, Midna Waxaan Yaqiinsaday In Ilahay Qofka Uu Doono Siiyo.

 

Mid Waan u Qushuucay- Waxaan u Qushuucay Sida Quruxda Badan ee loo Qaabeeyey Xafiiska Masuulkan, Waxaa Iyana I Qiiro Galisay Sida Uu Qofwal oo Xafiiska Soo Booqda Ugu Qaabilayo Waji furan Oo Farxad iyo Dhoolo Cadayn Badani Ka Muuqato.

Midna Waan U Qiray- Waxaan U Qiray Qabashada Hawsha iyo Qancinta Dadka Hawlaha Xafiiska ka leh Sida Qiimaha iyo Qofnimada leh ee Ugu Qabanayo una Qancinayo.

Midna Waxaan Yaqiinsaday inay tahay Hibo uu Ilahay Qofka Uu Doono Siiyo, Samirka iyo Dulqaadka Ayaa ah Sifooyinka Bulshadu Ku Kala Duwan Tahay, Haddii Ay Masuul Tahay iyo Hadii Ay Qof Shacaba Tahayba.

Waxaan Indhaha Qofkastaa Ka Qarsan Karin In Waxbadan laga Qabtay Wadooyinkii Caasimada hargeisa Saddexdii Bilood ee u Danbeeyey Waxaa Uu Qaybweyn Ka Yahay marka Laga Yimaado Duqa Caasimada Hargeisa Hirgalinta iyo Dhismaha ama Dayactirka wadooyinkaasi faraha badan ee shacabku ku diirsadeen Xoghayaha dawlada Hoose Hargeisa.

Shaqada Uu Qofku qabanayo iyo Inta Uu Bulsho Qancin Karaa Waxay Ku Xidhan tahay Inta uu Awood Eebe U Siiyey Inuu U Samro Una Dul Qaato, alleylehe waxaan arkay inuu yahay qof labadaaba eebe iskugu daray.

Isku Soo duuduuboo Waxaaan Qormadaydayn Kusoo ururinayaa Xogahaya Dawlada Hoose Hargeisa Waa Masuul Si Hagar la’aan Ah u Gutay Hawshii Loo Igmaday Ee uu Bulshada U hayey.

Sifooyinka Masuul Lagu Qiimeeyo ama lagu Xusho Ayaa Ah Inta uu Fahan iyo Aragti Soo jeeda U Leeyahay Shaqada uu Qaranka ama Bulshada u Qabanayo, iyadoo Qoraalka eebe iyo Qadarka Tahay Qofka Masuul Noqonayaa Haddana Waxaan Qirayaa inuu Yahay Qofkii Ugu Macquulsanaa ee Si Qiimo leh Qaranka iyo Shacabka ugu Adeega.

Wabilaahi Tawfiiq.

W/Q-Aqoon Yahay A.laahi Nuur Omar.

Indheergarad@gmail.com