Cheif-Caaqil Cabdi Aw Cumar Oo Shacabka Somaliland Gaar Ahaan Dadwaynaha Reer Gabilay Ku Hanbalyeeyay Sidii Xadaarada Iyo Nabad-Galyada Lahayd Ee Ay Uga Qay Qaateen Codbixintii

Gabilay-(GNN) Jiif Caaqil Cabdi Aw Cumar Warsame oo kamida Cuqaasha ugu Miisaanka Culus Gobolka Gabilay ayaa Bulshada reer gabilay iyo Guud Ahaa Shacabka Somaliland ugu Hanbalyeeyay Qaabkii Wanaagsanaa ee xadaarada iyo ilbaxnimada lahayd ee ay Dad-waynaha reer Gabilay uga Qayb Qaateen, Doorashadii Maalintii Doraad Dalka Somalailand looga dareeray, ee sida nabad galyada leh u dhacday.Jiif Caaqilaka oo Khadka Telafoonka kula soo Xidhiidhay Xafiiska War-qabadka ee Shabakada Gabilaynews ayaa hadalkiisa ku bilaabay. “ugu horayn waxaan halka uga mahad celinayaa guud ahaanba Bulshada ku dhaqan Dalka jamuuriyada Somaliland gaar ahaan Bulshada ku Nool Gobolka Gabilay.reer gabilay waxaan leeyahay si wanaag-san ayaad codkiina u dhiibateen waayo xadaaradii la iniga filayey ayaad fuliseen arin wanaagsana waad muujiseen.waxaan idiinka Mahad celinayaa sidii naxariista,Dulqaadka iyo samirka lahayd ee aad ula dhaqmayseen dadka waawayn iyo kuwa laxaadka la’ba ee safafka aan xamilayn.waxaa kale oo aan aad idiinka mahad celinayaa sidii foojignaata lahayd ee aad hareeraha uga istaagteen ilaalinta Nabadgalyada.Jiif caaqil Cabdi Aw Cumar Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi,”waxaa kale oo aan iyana si aan qiyaas lahayn ugu mahad celinayaa uguna ducaynayaa Gudida Beesha aan Caaqilka u hay ee ay shir gudoonka ka yihiin Maxamuud Maxamed Ciise Dhargiye.Xaashi C/laahi Rooble iyo Cigaal Cismaan Almis inamadaa waxaan leehay waad ku mahadsantihiin sida xilkasnimada leh ee aad waajibkiina uga guda teen ururinta dadkii laga soo gurayey dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia iyo kuwa gudaha joogaba.waanan idiinku ducaynayaa Dulqaadka iyo Daryeelka aad dadkaasi u Muujiseen. waxaanan ilaahay idiinka Baryayaa inaad  Guulaysataan adun iyo aakhiraba idinka iyo intiikale ee garabkiina taagnayd .