Codbixintii Doorashada Madaxtooyada oo Si Habsi Ah U Bilaabantay Iyo Wakhtiga La Xidhayo Baraha Ay Bulshadu Ku Kulanto

Hargeysa(GNN:-Codbixintii doorashada madaxtooyada somaliland ayaa guud ahaan si nabad galyo uga bilaabantay gobolada iyo degmooyinka dalka.

Guddida doorashooyinka somaliland ayaa si habsami ah qalabkii codbixinta u wada gaadhsiiyey dhamaan gobaha laga codaynayo ee dalka, waxaanay wararka hordhaca ahi sheegayaan in goobaha oo gaadhaya 1612 ay hada si rasmi ah uga bilaabantay codbixintu.

Lixda fiidnimo ee caawa ayaa la xidhayaa goobaha codbixinta doorashada madaxtooyada somaliland, iyada oo marka ay soo dhamaato codbixintuna hawada laga saari doono guud ahaan baraha ay bulshadu ku xidhiidho.

Guddida doorashada ayaa hawada ka saari doono baraha internet-ka ee ay bulshadu ku kulanto wakhtiga ay bilaabanto tirinta codadka laga dhiibtay doorashadu, iyaga oo ka hortagaya in lagu baahiyo natiijo aanay waxba ka jirin (129)