Guddiga Komishanka Qaranka Somaliland Iyo Hogaanka Xisbiga WADDANI Oo Xalay Kulan Labaad Wada Yeeshay iyo Qodobada …….

Waxaana ay kulankan sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ahi uu daaranaa sidii ay guddiga komishanku hogaanka WADDANI iyo murrashax Cirro ugu soo jawaab celin lahaayeen go’aanka ay ka qaateen guddigu cabashadii ay usoo gudbiyeen xisbigu ee ku saabsanayd tirinta codadka doorashada madaxtooyada Somaliland.

Waxaana xoguhu tibaaxeen inay cabashooyinkan ay aqbaleen guddigu isla markaana ay ugu jawaab celiyeen inay baadhayaan sida ugu dhakhsaha badan hadii ay jirtana ay xalinayaan,sidoo kalena qodobka xasaasiga ah ee labada dhinac ay ka wada hadleen xalay ayaa waxay uu daarana Buugii iyo waraaqihii xisbiga WADDANI ay soo bandhigeen ee ay ka dhawaajiyeen in loo adeegsaday codayntii doorashada.

Kulankaasi oo saacado kooban qaatay,waxa haddana labada dhinac ay kulan labaad u balameen maanta,taas oo noqonaysa sida la filayo kulankii ugu danbeeyey ee xal waara lagaga gaadho cabashooyinka ay qabaan xisbiga WADDANI ee ku saabsan codadkii doorashada madaxtooyada Somaliland.

Dhinaca kale guddiga komishanka Qaranka Somaliland ayaa waxa la filayaa in goor dhaw ay warbaahinta la hadlaan isla markaana ay usoo bandhigaan halka ay ilaa hadda marayso tirinta codadkii doorashada oo gobolada iyo degmooyinka intoodii badnayd ay kasoo dhamaatay haddana ay guddiga komishanku gacanta ay ku hayaan tirinta codadka gobolada Maroodi-jeex.

Shacabka Somaliland ayaa aad ugu dhag taagaya wakhtiga ay ku dhawaaqayaan guddiga Doorashooyinku natiijada doorashada madaxtooyada Somaliland iyo labada murrashax ee madaxwaynaha iyo ku xigeenka ee ku guulaystay hogaanka talada dalka Somaliland ee Shanta Sanno ee soo socota.