Guud Ahaan Gobolka Togdheer Oo Saaka Subaxdii Hore Lagu Arkayey Guutooyin Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Heegan Buuxa Ku Gaafwareegaya.

Burco(GNN):-Iyadoo Maanta Loo Maanta Ay ahayd Shaacinta Gudida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ku Dhawaaqayeen Natiijada Codbixintii Shacabka Somaliland Ku Doorteen Madaxweynaha iyo madaxweyne Ku Xigeenka hogaanimdoona Dalka Somaliland Shanta Sano ee Soosocota ayaa  Saaka abaaro 06:00 Subaxnimo Saacadda Geeska Africa waxa mar kaliya Dadwaynihii usoo kalahay Suuqa Magalada burco ee xarunta gobalka togdher ay ku waabaristeen Ciidamo Tiro badan kuwaasi oo ah Ciidamada Qaranka Ee Loo Yaqaano (Koofiyad Casta)

waxaanay ciidamadaasi ahayeen kuwo ku Gashaman Gadiidka Degaalka Noocyadiisa Kale Duwan

Dadwaynaha ku Nool Magalada burco ayaa iyagu Cabsi Xoogan ka Muujiyay Ciidamadani Xad dhaafka ah Ee la soo Buuxdhafiyay Gudaha Magalada burco,

Waxaana Sababta ugu Weyn Ee Tirada Ciidamada Intan Leeg Loo Keenay gobolka Togdheer ay Sidii loo Sugi lahaa amaanka Gobolka Togdheer iyadoo laga hortagayo haddii Rabshado ka Dhashaan ama Iska horimaad dhexmaro  Shacabka Magaalada Burco  oo bilaabay dabaal degyo baaxad leh kadib Markii lagu Dhawaaqo Natiijada Doorashada Somaliland.

Waxaana  ay ciidamadani noqonayaan ciidamadii ugu tirada badnaa ee abid la keeno
gudaha magalada burco.

ciidan 02.jpgciidan(6).jpg