“Guushaada waa lala jiraaye Gees ha ka haanina” Dr. Mohammed-Culimo

Doorashadii Madaxtooyadda ee ka dhacday Somaliland (Nov 13, 2017) waxay ahayd guul qaranka u soo hoyatay, shacabkuna dareenkoodii way muujiyeen. Si wanaagsan oo yimad sami ah ha loogu haneeyo loona hambalyeeyo musharaxa shacabku doorto, hana laga shaqeeyo midnimadda iyo wada jirka, xiligga kala guurka.

Madaxda xisbiyaddu waa inay muujiyaan masuuliyad, dadkana ka daayaan wararka abuuri kara kicin dadweyne iyo dabaaldgyo ka hor dhaca wakhtigooda. Natiijadda oo raagtaa waxa xagal daac ku samayn kartaa quruxdii doorashada, waxaanay abuuri kartaa shaki iyo jibo aan jihaysnayn. Xisbi kasta madaxdiisu way og yihiin codadka ay goob kasta ka heleen iyo wadarta guudba. Sidaa darted, waxay haboon in guddida doorashooyinku ay natiijadda hore ugu dhawaaqaan.

Sidaas oo kale, danta dalka iyo sharaftu waxay ku jirtaa in la sugo natiijadda rasmiga ah ee guddida doorashooyinku ku dhawaaqi donaan insha allaah.

Khaladaad farsamo iy ocabashooyinba way ka dhalan karaan doorashadii madaxtooyada ee la qabtay laakiin way adag tahay in ku shubasho dhacdo. Wixii u baahan hubin iyo sixid waa in loo maro nimadaaka iyo habraaca doorashadda.

Guddida doorashooyinka qaranku waxay u eeg yihiin daacad iy odhexdhexaad aan dhinac jiriene, quruxdii doorashada yaan la qiimo ridin.