Kartida Maayer M-Aamiin Iyo Kalsoonida SHacabkiisu Ku Qabaan Waa Hanaanka Korodhka Horumarka Gobalka Gabiley.

Duqa  Caasimada  gobalka  gabiley  ahna  Gudoomiyaha  golaha  degaanka  degmada  gabiley  Mudane  Maxamed-Aamiin  Cumar  Cabdi  waa  mid  ka  mid  ah  maayerada  dalka  ugu  da,da  yar  isla  markaana  sida  shamaca  uga  dhex  iftiimaya  dhigiisa  iyo  golaha  maayerada  dalka ,   kolay  taariikhdu  isma  qariso  balse  waxa  xusid  waajibna  ka  saaran  yahay  hadba  umadii  meel  ku  wada  nool  ama  degaan  ka  dhexeeyo  iney  libinta  isu  qiraan  ooy  u  mahad-naqaan,   dhiiri-galin  iyo  maamuusna  tusaan  masuulka  xilkiisa  gutey  intuu  xilka  hay.

Amiiin-okok-150x150

 

Markaa  maanta  waxaan  u  kuur  gali  doonaa  sooyaal  ku  saabsan  arimaha  ama  wax-qabadyada   lagu  xasuusan  doono  ee  ugu  suntan  boga  taariikh-shakhsiyadeedkiisa  mudane:  m-aamiin  cumar  cabdi  muxumed  duqa  degmada  gabiley,  Kaasi  oo  xaqiiqatan  baal-dahaba  ka  galey  hogaaminta  maayeradii  isaga  kala  danbeeyey  magaalada  tan  gabiley   yaga  oo  nin  walba  Wax  lagu  xasuusto  hada  waxaan  odhan  karaa  isagaa  ugu  mudnaa  bashana  kula  kulmey  meel   wanaagsan  si  waafiyana  u  dhaqaajiyey  taasoo  laga  dheehan  karo  magaalada  gabiley  oo  aad   isu  badashey  ilaa  xad  haday  tahay  dhinaca  korodhka  baaxada  magaalad  iyo  koboca  dhaqan-dhaqaalaha  tanina  waxa  u  qoolan  siyaasad  qorsheysan  oo  duqu  ku  hawl-galey  muda  laba  sanadood  ah

 

 

Waxa  lagu  xasuusan  doonaa  maayerka  magaalada  gabiley  mudane  m-aamiin   bilicda  iyo  qurxinta  magaalada  gabiley  oo  aad  hada  moodo  iney  wax  fara-badan  iska  badaleen  yadoo  uu  isagu  hindise  ama  balaysime  u  ahaa  waxyaabaha  ugu  miisanka  culus  ee  la  taaban  karo  muuqooduna  cad  yahay  waxa  ka  mid  ah  gabiley  stadium  ama  garoonka  cagaaran  Ee  Sir  Mo  Farah,  Biriishka  uga  talaaba  magaalada  galbeedka,  Wadada  caalamiga  ah  Ee  centerka  ama  faras-magaalaha  gabiley  kuna  beegan  maskiid-jaamaca  weyn  ee  gabiley  Ilaa  iyo  xanaanada  gobalka,  Bixinta  iyo  asturaada  daymo  xad-dhaafa  oo  uu  ku  soo  nooleeyey  meheradihii  iyo  dadkii  hantiyaha  laga  kiciyey,   Dar-dar  galin  dhalinta  isboortiga  iyo  wareegyo  is-daba-jooga.

 

 

Kaliyaata  kuma  koobna  qadarkan  yar  een  carab-baabey  waxqabadkiisu  balse  intaa  wuu  ka  balaadhan  yahay  waxaanu  buuxiyey  xaqiiqdii  masuuliyadii  saarnayd  iyo  inuu  matalo  magaalada  gabiley ,  Runtii  waa  halyey  ku  dhac  leh  arinta  ugu  mudan  ee   taariikhda  u  gasheyna   waa  xalintii  khilaafkii  biyaha  ee  daraad  ka  dhacey  ceelasha  biyaha  botoreed,  kuwaasoo  la  Siyaasadeynayey  oo  la  marin-habaabinayey  isla  markaana  la  waayey  mudooyin  badan  cid  ku  dhacda  ayuu  si  bilaa  habrasho  ah  oo  masuulnimo  ka  muuqato u  soo  af-jarey   khilaafkii  isagoo  ku  soo  dabaaley  inay  ceelashu  yihiin  (Asset)  dawladeed  kuwaasoo  umada  ka  dhaxeeya  balse  aaney  cid  gaar  ahi  lahayn,  waa  arin   weyn  bulshadu  ku  taageertey  runtiina  waa  wixii  laga  filey  hadaba  raga  meelahaa    wax  ku  qora  ee  arinkan  khilaafka  ceelasha  iyo  doorkii  xalinta  maayer  m-aamiin  ka  been  sheegayey  yagoon  ogayn  waxaan  leeyahay  (Iska  Hadlaw  Ina  Igarre)  bal  horta  wax  hubso.

 

 

Guntiyo  gaba-gabadii  waxaan  ku  soo  af-meeri  anoon  soo  koobi  kareyn,  kartidiisa,  himiladiisa,  hilaadintiisa,  kalsoonidiisa,   waxqabadkiisa,  iyo  hogaamiyenimadiisaba  waxaan  odhan  lahaa  duqa  degmada  gabiley  m-aamiin  waa  hogaamiye  umadiisa  yaqaana  ka  war  haya  inta  badan  ku  foogan  danta  shacabkiisa  balwadiisuna  ay  tahay  haleel  iyo  qancinta  umada  uu  u  shaqeeyo,  runtiisa  wuxuu  ku  sifoobey  hogaamiye  dan-jire  ah  umadiisa  aan  daayicin  siduu  Sheegay  Philosophygii  weynaa  Mr  Aristotal  (How  to  lead  the  people  work  beside  them)  oo  macnaheedu  tahay  si  aad  dadka  u  hogaamiso  daba-soco  aad  ogaatid  al  macnee,  markaa  waa  hogaamiye  umadiisa  daba-socda  oo  jira  una  soo  jeeda  Allaa  Yakhalik gudoomiye.

 

Qalinka:  C/raxmaan  Sayid  Faarax  (Jeesto)

  (171)