Buugga “Dab iyo Caro” ee Laga Qoray Xogta Daahsoon ee Aqalka Cad oo Maalin Gudaheed Ku Noqday Kan Ugu Iibsiga Badan.

Buugga Fire and Fury: Inside The Trump White House ee laga qoray xogaha daahsoon ee Aqalka Cad ee Mareykan ayaa gilgilay gudaha dalka Mareykanka Maalin gudaheedka ku noqday kan ugu iibsiga badan Amazon.

Dab iyo Caro” ee laga qoray Trump ayaa Suuqyada lasoo Galay Isbuuc ka Hor Wakhtigii Loogu Talogalay Waxaanuu Hoggaaminayaa isla markiiba Buugaagta ugu Iibsiga Badan ee Amazon.

Jimcihii shalay ayaa maktabadaha iyo goobaha gacansiga buugaagta lasoo galiyay buug cusub oo lagu caddeynayo Trump uu yahay shakhsi aan u qalimin maamulka Mareykanka, waxaa buugga in uu suuqyada soo galo soo dedejisay, kadib markii madaxweyne Trump uu qoraaga buugga Michael Wolff  ku sheegay qof abaal laawe ah waxa uu qorayna ay yihiin mala-awaal.

Loyarka madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in buuggan ay dacwad ka furi doonaan maadaama cay iyo sumcad dil madaxweynaha ah ay ku qoran tahay buugga, arrintaas ayaana soo dedejisay in xarunta daabacadda buugaagta ee Henry Holt & Co in ay buugga suuqyada soo galiyaan “Dabka iyo Carada“: xogaha gudaha Aqalka Cad xilli madaxeedka Trump, iyadoo ay qorshaysneyd in buuggan suuqyada la soo geliyo isbuuca soo aaddan.

Buuggan ayaa isla markiiba waxa uu ugu sare maray buugaagta ugu iibsiga badan ee Amazon. Waxaana buugga copy ka sameeyay goobo gacansi oo aad u tiro badan gudaha Washington iyo hareerahdeeda daqiiqado gudahood markii suuqa lasoo galiyay, maalinimadii Jimcaha, waxaa la yaab lahayd in gacansiyada qaar albaabada loo furay habeenimadii saqdii dhexe si buugga loo iibiyo.

Qoraaga buugga Michael ayaa shabakadda “ABC News” u sheegay in dadka ku hareeraysan madaxweynaha ay wax iska waydiinayaan sida uu ugu qalmo inuu madaxweyne ka noqodo Mareykanka, waxayna ku tilmaamaan inuu yahay “Doqon iyo Garaadlaawe“.

Waxa uu intaa sii raaciyay: “Ninkani waxba ma akhriyo waxna ma maqlo… waa qof khamaara un”, mar uu tilmaamayay inaan siyaasadda Trump ku salaysnayn go’aan wadareed.

Michael Wolff ayaa sheegay in sharaxaddii madaxtinimo ee Trump 2016 ay ahayd mid madadaalo ah oo qura ee danta laga lahaa aaney ahayn mid tartanka madaxtinimada Mareykanka loogu tala galay in lagu hanto.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Khamiistii habeenkeedii inaan Michael Wolff aanuu siin ogolaanshiyo uu ku soo galo Guriga Cadsidaa darteed waxa uu ka sheegaaba ay tahay waxba kama jiraan, isagoo buugga ku tilmaamay inuu yahay mid khiyaali ah. Waxaa hadalkiisii ka mid ahaa: “Waligeen buug kama aanan wada sheekaysan. Waxaa buuggan ka buuxa been-abuur, ilaha xigashada buugguna ma aha mid jirta.”

Michael Wolff waa saxafi waayo arag ah, noloshiisana waxa uu ku soo qaatay saxaafadda hooyadii iyo aabihii waxay ahaayeen dad saxaafadda iyo warbaahinta lug ku leh, waxa uu kusoo caanbaxay inuu wararka ka qoro dadka taajiriinta ah iyo dadka awoodda badan gudaha Mareykanka, waxa uu maqaallo joogta ah ku leeyahay jariidada New York, waxaa uu kaalin ku leeyahay jaraa’idka kale ee Guardian iyo Hollywood Reporter.

Waxa kale oo uu qoraallo joogta ah ku leeyahay jariidada USA Today, waxa uu tafaftire kaaliye ka  yahay Vanity Fair, waxaanuu ku guuleystay abaalmarinta “National Suspension Award for comments” sanadkii 2002 iyo sanadkii 2004, waa uu aasaasay website-ka Newser.com sanadkii 2007, waxaanu kaalin libaax ka soo ciyaaray ololihii doorashooyinka madaxweyne Trump.