Cisbitaalka Berbera Waa Sidee Xaaladiisu , Xagayse Martay Hay,adii Shifaad ee Labada Milyan ee Doolar Kaga Qaadtay Shirakada Dp World

Guud Ahaanba Somaliland waxaa Isa Soo taraya Cisbtaalada Gaarka Loo Leeyahay iyo Goobaha Dadka Lagu dabiibo Caafimaadkooda, Sidoo kalena Dhakhaatiirta ka hawlgashaa Waxaay U Badan Yihiin Qaar Ajanabi ah oo Sita Shahaadooyin Dr Nimo Laaakiin Aanay Jirin Cid Cadayn Karaysa Xaqiijinta Shahaadada Caafimaadka Ah,

Waxaadse Moodaa Sifo Kasta Haku Joogaan ee Dhakhaatiirta Shisheeye In Dalku Ubaahan Yahay Waayo wasaaradii Caafimaadka Somaliland Awood Uma laha In Aay Buuxiso , Kafaysana Baahida Caafimaad Ee dalka Taala ,

Hadba Nasiib daro Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil Hal Cisbitaal Oo Gaar Loo Leeyahay Ayaa Ku yaala , Waxaana dadku Inta Badan tagaan Cisbitaalka Degmada Berbera oo Xaalada Adeegiisu Aad U Liidato, Marka La Bar Bar Dhigo Cisbitaalada hargaysa iyo ka Burco Ee Dawladu gacanta Ku hayso,

Cisbitaalka Degmada Berbera Dadka Bukaanka Ahi Iyagaa Soo Iibsada Dawooyina Lagu dabiibayo, Shaqaalaha Cisbitaalku Waxa Kaliya Oo Xilkoodu Yahay In Aay Qofka Bukaanaka ah U Qoraan Wixii Dawooyina ee Ee Aay Kula Tacaalayaan Xanuun Kiisa,

Qaybta Emargancy,ga Ka Heli Maysid Irbada Dhiig Joojina iyo Sayloon Lagugu Xidho , Deg Deg Waa In Lagaaga Soo Iibiyaa Farmasiyada Magaalada Ku yaala,

Xaaladan Ayaa Inta Badan dhacda Marka Shilalka Baaburtu Yimaadaan Ee Dad Dhaawaca La Keeno Cisbitaalaka,

Waxaase Is waydiin Leh Wasaarada Caafimaadku Maxay tartaa Cisbitaalada ma Mushaharka Shaqaalaha Uun bay Bixisaa, Mise Dawooyinkana way Bixisaa,

Arinka Kale Ee Iswaydiin,ta Leh Waxa Weeye Mar walba waxad Maqlaysaa Hay,ad Ayaa Cisbitaalka Ku Caawinayasa dawooyin, Hadana Xabad Kiniina Oo Bilaasha Lama Siiyo Dadka Bukaanka Ah

Cisbitaalkan Berbera   Waxaa Dhisay Dawladii Gumaystaha Ahayd Ee Ingiriiska , Maanta Dhismuhu Waa Mid gaboobay oo U Baahan Dayac Tir Xoogan,

Dhawaan Ayay Ahayd Markii Wasiirkii Hore Ee Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye uu Xaflad Lagu qabtay Cisbitaalka Gudihiisa Ka Sheegay In Shirkada Dp World Ugu Deeqday Caafimaadka Berbera Lacag Dhan Labo Milyan Oo Doolar Si Loo Kaabo Cisbitaalka Berbera oo Kor Loogu Qado Adeegyada Cafimaad,

Lacagtaa Sida Wasiirku Sheegay Waxaa Lagu Wareejinayaa Ayuu Yidhi Hay,ada La Yidhaa Shifaad Oo Maxali Ah Kana Shaqayn Doonta Ayuu Yidhi Mudo Labo sano Ah Cisbitaalka Berbera, Hay,adana Sida La Sheegay Waxaa Iska Leh  Wiil Uu Sodog U Ahaa Madaxawynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilanyo,

Bixinta Mashruucan Shirkada Dp World Aay Ku Kabayso Caafimaadka Berbera Looma Dhigin Wax Tartan Ah oo Ururada Maxaliga Ah Ee Gobolka Saaxil Aay Kaga Qaybqaataan Mashruucaa Fulintiisa, WaxaanaMuuqata In Loo Afduubay Hay,ada Shifaad Oo Gacan ka Heshay Madaxtooyadii Hore Ee Somaliland Illaa Iminkana waxba Lagama qaban Cisbitaalka Berbera