Madaxweynihii Hore Ee Puntland Oo Kabaha La Dul-marey Cabdiwali Cali Gaas –

Garoowe(GNN)-Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa, si adag u naqdiyay hadal qoraal ah oo uu shaley Warbaahinta usoo mariyay Madaxweynaha xiligan ee Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Maamulka Xukuumada Somaliland hadalkaas,oo hanjabaad iyo ku xidhiidhin arimo xasaasi ka ah Mandaqada ee Argagixisada ku Sheegay in ay Somaliland garab siinayso waxa uu Cabdiarxmaan Faroole uga Hadley si cadho leh.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay hadal uu Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax,ugu hanjabey Maamulka Puntland isagoo arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi.

“Waxaan galabta doonayaa inaan wax yar oo igu aadan ka idhaahdo

xiisada ka aloosan Deegaanka Nugaaleed oo u dhexeeya Garoowe iyo Laascaanood Magaalada Tukaraq oo aheyd Kastamkii iyo Xaruntii Gobolka Sool intii Laascaanood Somaliland qabsatey kabacdi hadalo colaadeed iyo duulaan Soomaaliya uma baahna maanta waxa aad iila xun oo aan cambaareynayaa duulaanka bisha sideedii Ciidamada Somaliland Tukaraq ku qabsadeen,iyadoo maalintaas Garoowe dabaaldeg ka jiro oo Garoonkii Diyaarradaha ee u horeeyay oo laami ah la furayo Madaxweynihii Soomaaliya M C Farmaajona joogo lagu soo dhaweeyay ahna Madaxweynaha Sharciga ah oo Soomaaliya oo dhan loo aqoonsan yahey,duulaankaas waxaan maqley waxaa sababey oo loo qaatey in booqashada uu halkan ku yimid in ay daandaansi tahey ama tii Wasiirkiisa Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan uu ku tagey Ceel-daahir iyo Badhan ma suura kali kadho in ay labadaasi daandaansi yihiin”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Faroole.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa “Waxa kale oo iyana aad ii taabanaya hadalada kale ee Xanafta leh ee bisha sagaalkeedii xaley Cabdi wali jeediyay oo aan u cuntamin Somaliland iyo kan uu maanta kaga jawaabayo Baashe,maanta Soomaaliya waxey tahey waxa xun wax loogu maahmaaho illaahay inakama dhigo Soomaaliya oo kale,waxaana halkaas gaadhsiiyay Colaad iyo dagaal sokeeye oo socdey mudo dadku waxey yidhaahdaan sagaashankii ayuu bilaabmey sagaashankii ma bilaabmine 1977kii ayuu bilaabmey, jabhadihii  intey jireen oo dhan colaad iyo dagaal sokeeye ayay aheyd raggii kawada qeyb qaatey wey joogaan iyo dadkii agoomahoodii iyo dadkii ku xoolo waayey meel walba wey tuulan yihiin waad ogtihiin oo Soomaaliya meel nabadi kajirto oo Maamul ka socdo Somaliland iyo Puntland oo kaliya ayaa ka  jira Koonfur oo hada Madaxweynuhu ka yimid Maamulada ka dhisani wali kamey hirgalin nidaam ay kaga nadiifiyaan qolooyinka kasoo horjeeda oo Wadankoo gudihiisa oo dhan ku baahsani labadii meelood oo iyagoo maamul kala ah dhexdooda is dhex mar iyo Ganacsi iyo wada shaqeyn iyo safari isku marid iyo dadkii oo is fahmey iyo colaad yari wax lakala tirsan ay meesha ka baxeen in maanta colaad lasoo celiyo wax meesha ku haboon ma aha”Ayuu yidhi.

“Waxaan usoo jeedinayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi oo uu maantana la joogo Wakiilka Qaramada Midoobey Michel Kiti oo Beesha Caalamka Wakiil ka ah Hurmuudna u ah in waan waan nabadeed u joogo in soo jeedintiisa la aqbalo Ciidamaddana meesha laga saaro”Ayuu yidhi.

“Labadaa hadal ee xanafta leh  ay ku  hadleen  Cabdi Wali Cabdiwali iyo Baashe oo ka dambeeyay Cabdiwali ma odhan karo Argagagixisaan la diririyoo Somalilandbaa taageeraysa oo ay noo soo Waddeen Cabdiwali aragagixiso horena ulama diririn haddana lama dirirayo dibna uma diriri doono,Tusaale ahaan markii Ciidan kun ku dhawi soo weerareen garcad iyo Eyl waala la Hadley wuxuu joogey Ameerika holiday ayuu sii galey wuxuuna tagey VIRGINIA waalala Hadley in uu yimaado ma imaan dagaalkii markii shacbiga iyo Ciidamadii halkaa joogey markii la ururiyey oo laga guuleystey cadawgii Maxaabiistii la qabtey intuu Diyaarad soo kaxeystey oo Adissababa kasoo degay isku sawirey,markaa waa nin istus kunoole nin hadalkiisa rasmi loo qaadan karo ma aha,waxaan ka xumahey inaan hadalkaas idhaahdo waayo Somaliland ma aha wax aragagixiso lagu eedayn karo anuu Waligeyna kumaan eedayn intey nabaedgalyadoda iyo Magaalooyinkooda ka adkaadeen wali hal kiis kama dhicin hadal meesha qabta ma aheyn”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Faroole.

Isagoo mar kale lahadlaya Baashe Maxamed Faarax Gudoomiyaha Wakiilada Smaliland hadalkiisa waxa uu yidhi.

“Baashena waxa uu maanta kaga jawaabey oo edeb daradda ah iyaduna waa wax kale oo Xusid mudan Baashe iyo Cabdiwali hadey wax tarayaan Cagaari iyo meeshan dagaalku ka socdo ee labadooda beelood dhawr iyo tobanka sano isku leynayaan Nabedd haka dhigeen maamul kasta wey u furan tahaye hadey taagan tehee wax haka qabteen Cabdiwali cidina ka yeeli mayso tolaay iyo Habarwac qabiil anuu labada shacab Somaliland iyo Puntland waan ogahey dareenkooda ma rabaan colaad la dhex dhigo Soomaaliya arinteedu kuma xalismeyso in meel lakala qabsado wada hadal bay ku xalismeysaa dariiqyo badan oo lamaraa jira(Options),badanbaa furan markaa arintaa waxaan usoo jeedinayaa in kuwa Ciidanka meesha keenayna ay ka saaraan kuwa hadeer hadlayaana ay ka waantoobaan waxaas”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland, oo baaq nabadeed usoo jeediyay labada dhinac.

Gabiley.net