Shirkii 23aad Ee Ururka Heegaanka Ciidamada Bariga Afrika Oo Lagu Soo Gaba Gabeeyey Jabuuti Iyo Waxyaabaha Lagaga Hadlay

Jabuuti(HWN):-Magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ayaa lagu soo gaba gabeeyey shir mudo shan cisho ah u socday  ururka Isaf ee ay ku bahoobeen ciidamada heeganka ee wadamada bariga Afrika.

Shirkan ayaa mudadii uu socday waxa kulamo ku yeeshay guddiyadda farsamo ee ururka ISAF, taliyayaasha sare ee ciidamada dalalka bariga Afrika, iyada oo ay soo gaba gabeeyeen qaar ka mid ah wasiirada gaashaandhiga iyo wakiilo ka socday wasaaradaha difaaca ee wadamada Bariga Afrika.

Ururkan oo ay ku bahoobeen toban dal oo ku yaala bariga Afrika ayaa ah mid ay qayb ka yihiin ciidamadu, waxaana hogaamiya xoghayn rayid ah oo ay ka wada tirsan

yihiin wadamada ku bahoobay ururkan.

Agaasimaha guud ee ururka ISAF Dr Cabdilaahi  Cumar Buux oo la hadlay VOA  ayaa ka waramay waxyaabaha lagaga hadlay shirkan waxaanu yidhi “Shirkan waxaanu kaga hadalnay dhaqaalaha, miisaaniyada iyo wixii shaqo la soo qabtay, in aanu miisaano wixii aynu hayno halka aanu joogno iyo halka aanu ku socono.”

Sidoo kale waxa uu ka waramay waxyaabaha ururkani fulin doono waxaanu mar kale yidhi “Si wax loo fuliyo waa in la tababaraa dadkii anaga oo aanan lahayn waxba ka ma qaban karaan laakiin maanta way kobocday ISAF mudo 14 sanadood ah ayaanay jirtaa, waanay bislaadeen, sanadkii 2014-kii waxaanu gaadhnay inaanu awood u yeelano inaanu fulino hawl gal,Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan taaban karo ee ugu yar ee uu ururku doonayo inuu hada qabto ayaa waxa ka mid ah in goob joog laga noqdo doorashooyinka,  inta aanu buuqu dhicina in tobanka wadanba laga soo doorto dad miisaan leh kuwaas oo loo diri doono meelaha ay  dhibaato ka jirto oo ay ka hadlaan oo la qaboojiyo, fikradaha kale ee jirana waxa ka mid ah in doorashooyinka uu ururku galo halka ay hada ka galaan AU-du.”

Sidoo kale wakiilka ururka ISAF u qaabilsan midawga Afrika Cabdirashiid Maxamed Cali oo isaguna la hadlay VOA   ayaa soo bandhigay sida ay u hawl galayaan ciidamada ay ku midoobeen wadamada bariga Afrika, isaga oo sheegay ciidamadani awood u leeyihiin inay galaan wadan gobolka iyo qaarada ka mid ah oo colaadi ka soo baxdo iyaga oo amarkana ka qaadanaya madaxa nabada ee ururka midawga Afrika.